Home Wararka Caalamka War Deg Deg ah: Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Deegaan Dhawaan...

War Deg Deg ah: Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Deegaan Dhawaan laga Saaray

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa noo sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma.

Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda, ayna la wareegtay deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo ay dhowaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay odayaashii laga Soo Afduubtay Wisil ee la sheegay inay Duqayn ku laysay?
Next articleAxmed Madoobe oo Mudo kadib Qaabilay Dad Mucaarad ku ahaa(Sawiroo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here