Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Xildhibaano ku Dhinteen kadib Ciidamada...

War Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Xildhibaano ku Dhinteen kadib Ciidamada Dowlada oo Qabsaday Degaanka Ceelgaras

0

Dagaal culus  oo saakay Ciidamada Dowlada iyo Dadka Deegaanka ku Qaadeen ayaa Alshabaab looga Saaray Degaanka Ceelgaras .

Dagaalka Ayaa Waxaa Ku Dhintay laba Xildhibaan oo ka Tirsanaa Baarlamaanka Galmudug Kana Soo Jeeday Degmada Ceelbuur

Labada Xildhibaan ayaa lagu kala magacaabi jiray Alle ha u naxariisto  Xil. Abdullahi Ibraahim Shaaciye oo katirsanaa Golaha Deegaanka Dhuusanareeb  iyo Xil. Mohamed Mahamud Mohamed oo katirsanaa Baarlamaanka Galmudug

Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhoow Shaacisay Qoraal kooban oo Sidaan u Qornaa:

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceelgaras ee Gobalka Galguduud halkaas oo ahayd xudunta Khawaarijta.

Ciidamada Qaranka ayaa ka wada Magaaladaas hawlgal sifayn ah.

Khawaarijta ayaa isaga carartay magaalada markii ay hareereeyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka.

Ka saarista khawaarijta ee Ceelgaras ayaa ka dhigan guul wayn oo laga gaaray Dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Previous articleCiidamo Hor leh uu ku biiraaya Dagaalka ka Dhanka ah Alshaab oo Tababar loosoo Xiray
Next articleMaamulka SSC Khaatumo oo sii daynaya qaar ka mid ah maxaabiista ay hayaan + Sababta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here