Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Dalbatay in Degdeg loo Xiro...

War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Dalbatay in Degdeg loo Xiro Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya Sabab?

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa maanta dalab culus u gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku dalbatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay haboon tahay in loo gudbo wajiga xiga, ayada oo doorkeeda si toos ah loo siinayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay sii wadi doonto dadaalkeena, isla-markaana ay joogteyn doonto arrimaha hortabinta u leh dowladnida.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka Qaramada Midoobay oo ku aadan dalabkan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dalbaneyso joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan xafiiska ay kasii tageyso wakiilka QM ee Soomaaliya, Marwo  Catriona Laing oo muddo sanad ah ka howlgaleysa dalka.

Previous articleMareykanka Oo Joojiyay Shixnado Bambaanooyin Ah Uu U Diri Rabay Israel
Next articleAlshabaabkii Ugu Badnaa oo Lagu Qabtay Koonfurgalbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here