Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Qaramada Midoobay oo Ka Jawaabtay Dalabkii Dowlada Soomaaliya...

War Deg Deg ah: Qaramada Midoobay oo Ka Jawaabtay Dalabkii Dowlada Soomaaliya ee UNSOM Soomaaliya looga Saaraayay

0

Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dalbatay in la joojiyo shaqada xafiiska QM ee UNSOM.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan lama filaan ku noqonin go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayna qeyb ka tahay qorshe muddo soo socday oo la xiriira kala guurka xafiiska.

“Arrintaan cusub waxay caddeyn u tahay shaqada qiimaha leh ee UNSOM ay ka qabatay taageerida maamullada Soomaalida sanadihii lasoo dhaafay. Waxay UNSOM ku joogta Soomaaliya go’aanka Golaha Ammaanka ee QM, sida howl-gallada gaarka ah oo dhana waxaa xilkooda ku egyahay markii muddo xileedkooda dhamaado, oo ay shaqooyinkooda gutaan ama uu soo baxo go’aan kan oo kale oo aan loo baahnayn,” ayuu yiri Afhayeenka xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo la hadlay VOA.

Sidoo kale waxa uu xusay in labadii sano ee u dambeysay xafiiska UNSOM lagu sameeyay dib u eegis istaraatiijiyeed, taasi oo ay kasoo baxday natiijo ah “in UNSOM ay bilowdo xilli kala guur ah oo laga wareejinayo UNSOM loona wareejinayo kooxda QM ee Soomaaliya inay masuuliyadda la wareegaan,” taasi oo ay Golaha Ammaanka uu dhab ahaan taageeray natiijada dib u eegistaasi.

Afhayeenka u hadlay QM ayaa sheegay in wada-hadallo ay hadda kula jiraan dowladda federaalka Soomaaliya, ayna marwalba ka go’an tahay inay taageeraan dowladda, “intii aan karno iyo sidii loogu baahno.”

Arrintaan ayuu sheegay inay khuseyso oo keliya xafiiska UNSOM, ayna sidoodii u sii shaqeynayaan hay’addaha kale ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, islamarkaana ay sii soconeyso taageerada QM ee Soomaaliya.

“Waxaa rabaa in aan halkan ka sheego QM waa ay joogta, weyna joogtay weyna sii joogeysa, marwalbana muhiimada waxa weeyi taageerada Soomaalida, qorshe ay Soomaalida hoggaan ka tahay waxkasta oo uu yahay,” ayuu yiri mar waxa lagA weydiiyay fara-gelinta siyaasadda gudaha ee Soomaaliya ee xafiiskan.

Previous articleKenya Oo Bilowday Qorshe ay ku Dhabar Jabinayso Dowlada Soomaaliya
Next articleBaadi goob Dheer ka Dib ninkii Dilay Ismaaciil Yuusuf Axmed oo Gacanta Lagu soo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here