Home Wararka Caalamka Wararkii ugu Danbeeyey Cabdirisaaq Mire Dhoore oo uga Danbayn Xoriyadiisa Helay.

Wararkii ugu Danbeeyey Cabdirisaaq Mire Dhoore oo uga Danbayn Xoriyadiisa Helay.

0

Wararka aanu ka heleyno magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ugu dambeyntii wariye Cabdirisaaq Mire Dhoore uu dib u helay xoriyaddiisa.

Dabley hubeysan ayaa ku dhowaad muddo todobaad ah duleedka magaalada Beledweyne afduub ugu haystay Cabdirisaaq, oo ah suxufi isla markaana la shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheegay inay dabo taagnaayeen dilka nin horey looga dilay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.

Baaqyo kala duwan oo loo jeediyay dableyda afduubka gaystay iyo dedaal dheer kaddib, waxaa xalay lagu guuleystay in la so siidaayo Cabdirisaaq Mire.

Previous articleXasan Sheekh oo Shaaciyay Mudada Alshababa looga saaraayo Dalka
Next articleGabadha laba jirka ah ee muranka ka dhex dhalisay Jarmlka iyo Hindiya iyo xaalka oo cakiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here