Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Israel oo ku gacan seertay qaraarkii Golaha Ammaanka ee...

Wararkii ugu Danbeeyey Israel oo ku gacan seertay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0
FILE - Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu attends the weekly cabinet meeting in the prime minister's office in Jerusalem, Sunday, June 25, 2023. Netanyahu's office says he has been rushed to a hospital but that is in “good condition” as he undergoes a medical evaluation. The Israeli leader’s office said he was being treated on Saturday, July 15, 2023 at Israel’s Sheba Hospital, near Tel Aviv. (Abir Sultan/Pool Photo via AP, File)

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Salaasadii sheegay inuu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro Xamaas, isaga oo dhinaca kalena dhaleeceeyey qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo degdeg ah.

Netanyahu ayaa dalabaadka Xamaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhalanteed ah, isaga oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaadhayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista, in la burburiyo awoodda milateri ee xamaas iyo nidaamkooda dawliga ah, isla markaana ay tahay inay hubiyaan inaanay Gaza noqonin meel halis ku ah amniga Israa’iil.

Sarkaal sare oo u hadlay Xamaas ayaa isagu sheegay inay la wadaageen kooxaha dhexdhexaadinta wada, inaanay waxba iska bedelin dalabaadkoodii hore ee ahaa, in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista Israa’iil iyo kuwa Falastiinyiinta ee ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Sarkaal sare oo u dhashay Israa’iil ayaa Salaasadii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay Qatar dib ugaga yeedheen xubnihii ku metelayey wadahadalada, ka dib markii la is mari waayey, gaar ahaan in Xamaas ay sii dayso maxaabiista ay hayso.

Previous articleXasan shiikh oo Bixiyay Lacag Farabadan oo Abaal Marin ah…(Sawiro)
Next articleGalmudug oo Saacado Gudahood Markale Dil Toogasha Ah Ku Xukuntah Maxamed Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here