Home Wararka Caalamka Wasiir Fiqi oo Gaaray Furimaha Koonfurta Mudug Xili Alshabaab Howdka Galeen

Wasiir Fiqi oo Gaaray Furimaha Koonfurta Mudug Xili Alshabaab Howdka Galeen

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Mudug iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray furimaha hore ee Koonfurta gobolkaasi.

Goobahan ay booqdeen wafdiga uu horkcayo wasiir Fiqi ayaa waxaa qorsheyaal dagaal ka wada ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka hubeysan ee ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda.

Wafdigan wasiirada ah oo ka koobna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan, La-taliyaha Madaxweynaha Sakariye Xasan Gaashaan, Guddoomiyaha guddiga difaaca Koonfurta gobolka Mudug Sheekh Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan, iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle Mareexaan.

Furimaha Caad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda howl-gallo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna masuuliyiinta halkaasi gaartay warbixin ka dhageysteen taliyaha ururka Horseed ee Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug.

Taliye Duraan ayaa masuuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug xog buuxa ka siiyay howl-gallada socda, kuwaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen maamulka.

“Nimankii iyaga ahaa si fiican ayaa u gacan saarnay, dhibaatooyin horleh ayaa u geysanay. Aaggii waxaa jooga ciidanka waxaana rajeynaynaa in meelaha ay joogeen intii haraadiga ahaa waa ka howlgaleynaa saacadaha soo socda, kamana hareyno illaa meesha u dambeysa, dhamaan waa u diyaarsan yihiin deegaan hadey tahay iyo ciidamada kala duwan.”

Sidoo kale waxa uu rejo wanaag ka muujiyay in toddobaadyada soo socda dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab laga saari doono deegaanada ay weli kaga harsan yihiin dowlad-goboleedka Galmudug.

Masuuliyiinta ka socday dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyntiina si wadajir ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo shacabka hubeysan ugu booriyay guulaha ay ka gaareen dagaalka socda, iyo inay sii dardar-geliyaan howl-gallada Al-Shabaab ka dhanka ah.

Previous articleNajma Nashaad oo Ka Baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab ahaayeen
Next articleWaa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay inuu hub u soo iibiyay al-Shabaab ee la la’yahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here