Home Wararka Maanta William Ruto Oo U Magacaabay Taliyaha Ciidamada Cirka Haweeney Muslim Ah

William Ruto Oo U Magacaabay Taliyaha Ciidamada Cirka Haweeney Muslim Ah

0

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Fatuma Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka Kenya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabta taariikhda Kenya qof dumar ah oo muslim ah.

Kahor inta aan xilka la magacaabin Faadumo waxa ay ahayd madaxa hagaha sare ee hawada, xilkaas oo ay gaartay kadib markii uu madaxweyne Ruto u magacaabay May 2023.

Magacaabideeda ayaa timid ka dib markii madaxweynaha uu dhowr is beddel ku sameeyey ciidamada Kenya, ka dib geeridii taliyihii ciidamada Kenya, isaga iyo sagaal sarkaal oo kale oo bishii hore ku dhintay shil dayaaradeed.

Sareeye Gaas Fatuma Axmed ayaa markii ugu horreysay ku biirtay ciidanka 1983-kii halkaas oo ay ka hoos shaqeysay waaxda adeegga haweenka.

Maj Gen Axmed waxa ay ka qalin jabiyay kuliyada difaaca qaranka oo ah xarun lagu tababaro taliyeyaasha sare ee ciidamada Kenya, sida ciidamada, ciidamada badda, ciidamada cirka iyo kuwa gaarka ah.

Waxay sidoo kale ka qalin jebisay Kulliyada Shaqaalaha Difaaca halkaas oo ay ka qalin jabisay July 2000, waxaa u dheer, waxay shahaadada Maareynta ka haysataa kulliyada Jaamacadda Strathmore.

Previous articleGaari ay lahayd Shirkada BECO oo Qarax lagu Burburiyay
Next articleXildhibaanada Beesha Abgaal oo Dowlada Xasan Shiikh u Hanjabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here