Home Wararka Caalamka Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya oo gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya oo gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal

0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamuud ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad ka dhan ah 18 sarkaal oo loo haysto eedo kala duwan.

Eedaha loo jeediyey saraakiishan ayay ka mid yihiin xatooyo xoolo dadweyne, been abuur dokumenti, musuq-maasuq, lunsasho iyo leexsasho xoolo dadweyne, ka faa’iidayaysi xafiis dawladeed, iyo dayacaad waajibaadka saarnaa.

Eedaysanayaasha ayaa isugu jira sagaal eedaysane oo xiran iyo sagaal eedaysane oo maqane ah.

Dadka lasoo eedeyey ayaa ah saraakiil haysay maamulka dhexe sida agaasimayaal, madaxda ka tirsanayd laanta socdaalka iyo jinsiyadda, canshuuraha, ruqsad siinta ajaanibta iyo xilal kale.

Xeer ilaalyaha ayaa ugu baaqay maxkamadda inay soo muddayso dhagaysiga dacwadda loo haysto eedaysanayaasha.

vioce of american

Previous articleXILIBAANKA SOMALILAND AQOONSIGA UGU OLALEEYO OO KA HADLAY,,
Next articleAgaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Cabduqaadir Cabdul oo dalka ka cararay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here