Home Wararka Somaliya Somaliland Xiisada Siyasadeed ee Ka Taagan Soomaaliland oo Cirka isku Shareertay

Xiisada Siyasadeed ee Ka Taagan Soomaaliland oo Cirka isku Shareertay

0

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa kasii daraya xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xisbiyada mucaaradka Wadani, UCID iyo xukuumadda Biixi, kuwaas oo isku haya qabsoomida doorashooyinka guud ee Somaliland.

Musharaxa xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo xalay taageerayaashiisa kula dabaal-degay Maqaayadda SIMA ayaa markale ku celiyey inuu dhacayo dibad-baxa ay abaabulayaan xubnaha mucaaradka, isaga oo wacad ku maray inuu hoggaamin doono.

“Isu soo baxa nabadgalyo waa xaq dastuuri uu shacabka leeyahay oo cidi aanay ka qaadi Karin, isusoo baxaas wuu dhacayaa aniga ayaa hoggaaminaya, ciddii xabbad ku rideysa Shacab dibadbaxaya oo aan hubeysneen hasoo rido” ayuu yiri musharaxa C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu farrin u diray Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ugu baaqay inuu qabto doorashada, isla-markaana uu qayb ka noqdo tartan adag ee la geli doono.

“Muuse Biixi waxa aan leeyahay xilka xoog kuma qabsan ee qabo doorasho, haddii aad ku guuleysatid joog haddii lagaa helana dhiib, muddo kordhin ma jirto” ayuu sii raaciyey.

Cirro ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is casilaadda xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland, wuxuuna sheegay in xukuumadda ay fara-gelisay, sida uu hadalka u dhigay.

Previous articleDagaal Khasaaro Dhimasho iyo Dhawac Gaystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Next articleNin Soomaali ah oo hadiyaddii ugu cajiibsanayd siiyay garsoore Mareykan ah oo caan ka ah dunida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here