Home Wararka Maanta Midkamid ah Mushirixiintii Ugu Saamaynta Badnaa Puntland ee Marar badan Caayya Deni...

Midkamid ah Mushirixiintii Ugu Saamaynta Badnaa Puntland ee Marar badan Caayya Deni oo Wasiir loo Magacaabay

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay golahiisa wasiirada ee cusub. Waxaa ka soo dhex muuqday liiska golaha, magacyo cusub, balse aan ku cusbayn dhagaha reer Puntland.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ahaa musharrixiintii u tartameysay madaxweynenimada Puntland ayaa ka mid ah noqday wasiirada cusub, isaga oo noqonaya wasiirka cusub ee Deegaanka ee Puntland.

Maxamed ayaa ka mid ahaa musharriixiintii sida aadka ah u dhaliili jiray madaxweyne Dani waqtigii lagu jiray ololaha doorashada.

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ayaa baraha bulshada ku wadaagay ar’yigooda ku aadan xilka cusub ee loo magaacabay musharrixii hore ee madaxweynaha Puntland.

Waa kuma Maxamed?

Sida uu la wadaagay warbaahinta, wuxuu waxbarashadiisa heerka koobaad ka baxay kuliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Umadda, sanadkii 1989 kii. Heerka labaad ee waxbarashadana waxuu ka diyaariyay jaamacadda La Trobe ee Melbourn ee dalka Australia.

Waxa uu horay u soo noqday agaasimihii ugu horreeyay ee ciidamada Badda Puntland (PMPF) sanadihii 2009 kii illaa 2014-kii, waxuu sidoo kale noqday agaasinka Isgaadhsiinta madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxa uu aas-aasay warbaahinta Radio Garowe iyo Garowe Online. Waxuu sidoo kale la taliye u noqday Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, sida uu sheegay waqtigii uu musharaxa ahaa.

Musharax madaxweyne Puntland ayuu noqday sanadkii la soo dhaafay isaga oo ahaa kuwa ugu firfircoonaa mucaaradka Puntland ee aadka ugasoo horjeeday madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Marar badan ayuu ku eedeeyay madaxweyne Saciid in uusan ixtiraamin dastuurka Puntland, goobahana si badheedh ah uga sheegi jiray in uusan deni ahayn ‘xalka Puntland u baahantahay xilligaan kala guurka ah’.

Madaxweyni Dani ayaan si toos ah uga jawaabin eedahaas oo dhan xilligii oloaha, balse si guud waxa uu uga jawaabay cabashooyin ka imaanayay mucaaradka.

Dhanka kale Maxamed ayaa ka soo jeeda qoys siyaasadda Puntland muddo ku soo jiray. Aabihiisa ayaa ah madaxweynihii hore ee Puntland, siyaasi caan ah oo Soomaaliyeed iyo sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Hadaladii uu ka yiri Dani

Maxamed Faroole oo ka mid ahaa musharrixiintii la tartameysay madaxweyne Dani ayaa marar badan u soo jeediyay dhaliilo, xilli ay musharrixiinta ay qaar ayaa walaac ka qabeen waqtiga ay dhici doonto doorashadu.

“Puntland waxa ugu wayn ee ay haystay waxay ahayd doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu wada yahay. Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxweynaha muda xileedkiisu ka dhiman tahay labada bilood inuu ka tanaasulo damaciisa gaarka ah, aqbalana doorasho wadar ogol ah oo waqtigeeda ku dhacda,” ayuu yiri Maxamed oo khudbad jeedinayay waqtigii ololaha doorashada.

Dhaliisha Maxamed ee madaxweyne Dani ma aysan bilaaban oo kaliya waqtigii doorashada madaxweynaha, balse waxaa xifaaltanloodu socday tan iyo waqtigii doorashada golaha deegaanka ee ay ku tartameen ururada siyaasadeed ee Puntland.

Xilligaas ayaa ururada qaar oo uu ka mid yahay Horseed oo uu ka tirsanaa maxamed waxa ay ka biyo diidanaayeen in ay ka qayb galaan doorashada, maadaama ay saluugsanaayeen sida ay wax u wado dawladdu.

“Hadii uu madaxweynuu uu ka talaabsado in ururada taagan, oo Mideeye, Horseed iyo Shaqaalaha uu ka boodo, oo doorasho ay iyagu aysan ku jirin uu galo, hada waa arrin madaxweynaha isaga gaar u ah,” ayuu yiri Maxamed.

Muran siyaadeed oo dheer kadib, ayaa nidaamkii doorasho ee qof iyo cod ee dawladda iyo guddiga doorashadu ay wadeen ay meesha ka baxday, waxaana la qabtay doorasho ay madaxweynaha soo dooranayaan golaha Shacabka oo iyagana odayaashu soo xuli doonaan, doorashadaas ayuu Maxamed ka qayb galay, isaga oo helay 2 cod, halka uu madaxweyne Dani helay 35 cod.

Previous articleXamsa Cabdi Barre oo daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladimada Soomaaliya
Next articleXasab shiikh oo Gaaray Turkiga Iyo Sababta oo la Ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here