Xukuumadda Peru oo wali la tacaaleysa bad-baadinta dadka fatahaaddu saameysay
- Posted at 20/03/2017 08:43:00
By Admin

Ugu yaraan 75 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen fatahaaddii ugu xumeyd ee sanadahan dambe soo marta dalkaasi Peru, waxaana saameynta ugu badan ee fatahaaddu ka taagan tahay magaalada Huarmey oo qiyaastii 300 oo km dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Lima.

Roobab mahiigaan ah oo da'yay maalmo badan ayaa dhaliyay in webiyada ay jabsadaan, isla markaana uu dumo dhulka qeybo badan oo waddankaasi ah.

In ka badan 800 oo degmo oo dalkaasi ka tirsan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah. Caasimadda Lima ayaa biyo la'aan ahayd tan iyo Isniintii lasoo dhaafay.

Peru iyo dalalka ku xeeran badweynta Pacific ayaa xilligan waxaa ka taagan cimilo ka dhalatay El Nino, taasoo ah in uu sare u kaco heer kulka badda, ayna da'aan roobab lixaad leh.

Khubarada deegaanka ayaa arrintaasi u aanaynaya isbedelka ku yimid cimilada caalamka.



More News...

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo madaxiisa beerka la isaga tumay xeeb ku taal California

27/03/2017 17:38:00:-Koox yar oo tiradooda lagu qiyaasay 20 ruux oo kasoo horjeeday madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa ay u tageen taageerayaal Donald Trump kuwaas oo xaflad ku lahaa xeeb ku taal gobolka California. Qiyaas waxa dhacay. Foodda ayaa la is daray.

al-Bashiir oo ku fool leh dalka Jordan xilli ay baadi-goobeyso maxkamadda adduunka

27/03/2017 18:26:00:-Madaxweynaha dalka Sudan Omar al-Bashir ayaa ka qeyb galaya shirka waddamada Carabta ee dhawaan ka furmaya dalkaasi Jordan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay saraakiil ka tirsan UN-ka

27/03/2017 18:49:00:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaatay, Xubno ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo madaxweynaha uu kala hadlay arrimo kale duwan oo La xiriira wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada Hirshabelle.

Wasiirkii hore ee warfaafinta oo ka hadlay "dulmiga" dadka Muqdisho lagu hayo:

27/03/2017 15:58:00:-Wasiirkii warfaafinta dowladdii hore Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye' ayaa arin dad badan aysan ku baraarugsaneyn shaaca ka qaaday, taasna ay tahay sababta uu u yiri "Haddii Sheekh Nuur Baaruud madaxweyne laga dhigo inuu tuug noqonayo, taasoo uu ula jeeday in lagu tilmaami doono tuug hantida dhaca,

Ciidamada Kenya oo sheegtay inay dileen 31 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab

27/03/2017 15:32:00:-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay 31 Al-Shabaab ah ku dileen weerar ay ku qaaday xarun ay kooxda ku leedahay degmada Badhaadhe, Jubbada Hoose.
Live Studio
Booqo bogga Live Studio-ga

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.