FBI-da Mareykanka oo ku dhawaaqday in ay baareyso eedeymaha xiriirka kooxdii ololaha doorashada Donald Trump iyo Ruushka
- Posted at 20/03/2017 18:00:00
By Admin

Hay`adda FBI-da ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay baareyso eedeymaha ah in uu xiriir dhex maray kooxdii u qaabilsaneyd ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump iyo Ruushka, sida uu maanta caddeeyay madaxa hay`addaasi James Comey.

Baaristan ayaa salka ku haysa weeraro isdabajoog ah oo lagu soo qaaday kooxdii ololaha u waday Hillary Clinton kuwaas oo dhowr jeer laga soo weeraray dhankaas iyo Ruushka compteradii ay howlaha olole ku wateen islamarkaana la jabsaday.

" - Waxaan baaris ku sameyneynaa eedeymaha ah in uu xiriir dhex maray kooxdii ololaha doorashada u waday madaxweyne Trump iyo Ruusha. Sidoo kale waxaan baareynaa in ay dheceen falal dambi ah oo arrimahaasi la xiriira", ayuu yiri James Comey.

Waa markii ugu horreysay oo ay hay`adda FBI-du sheegto in ay baaris ku sameynayaan eeddan la xiriirta Ruushka iyo Trump.

Sidoo kale hay`adda FBI-da ayaa beenisay in uu dhacay wax dhageyso taleefan ah oo maamulkii Obama ku sameeyay madaxweyne Donald Trump.

Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in madaxweyne Obama uu dhageysatay taleefankiisa xilligii ololaha doorashada, balse eedaasi uma uu hayo wax caddeyn ah.

 



More News...

Kulan gaar ah oo maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray r/wasaare Khayre iyo wakiillada beesha caalamka

23/08/2017 17:53:00:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Arday Itoobiyaan ah oo buugga mucjisooyinka ku galay arin lala yaabay

23/08/2017 15:56:00:-Kirubel Yilma, oo labaatan sano jir ah kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa galay buugga lagu diiwaan geliyo mucjisooyinka iyo la yaabka dunida ee Guinness World Records kadib markii uu soo bandhigay arin lala yaabay.

Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna oo hal maamul ku midoobaya

23/08/2017 15:46:00:-Jenenaraal Maxamad Nuur Galaal oo horay ugu mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada milateriga Somalia ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado, isagoona u tegay waan waanta maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, wuxuuna shaaciyay qorshe cusub oo lagu mideynayo Galmudug iyo Ahlu suna.

12 jir xilkas ah oo darawal ka ah booyad waraab gaarsiisa miyi iyo magaalo

23/08/2017 12:13:00:-C/fitaax Maxamed Kaarshe oo da’diisu tahay 12 sano jir ayaa deegaanka Ufeyn oo ka tirsan gobolka Bari ka ah darawaal gaari weyn oo saaran booyad, isla markaana waraabka gaarsiiyo miyiga iyo baadiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Missouri oo daqiiqadihii u dambeeyay dil ka bad-baadiyay eedeysane madow ah

23/08/2017 12:55:00:-Guddoomiyaha gobolka Missouri Eric Greitens ayaa baajiyay xukun dil ah oo nin madow ah lagu fulin lahaa kaas oo ku eedeysnaa in uu dilay gabar caddaan ah, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xukunkii lagu riday.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.