Kooxda AC Milan oo laga iibiyay maalgashadeyaal Shiineys ah
- Posted at 13/04/2017 16:27:00
By Admin

Maalgashadeyaasha Shiinays-ka ah ee leh shirkadda Rossoneri Sport Investment Lux ayaa dhamaystiray qandaraaskii ay kula wareegayeen kooxda kubadda cagta ee AC Milan, arrintaas oo sare u qaadaysa awoodda dhaqaale ee naadiga.

Naadigan oo ka dheela horyaalka talyaaniga ee Serie A waxaa lahaa rai'saulwasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlausconi tan iyo 1986-dii.

Wakhtigaas waxay ku guulaysteen siddeed koob oo horyaalka Talyaaniga ah iyo shan koob oo kuwa Yurub laga dheelo.

Si kastaba ha ahaatee 2011kii ayaa u dambaysay horyaal ay qaadaan. Koobkii u dambeeyay ee horyaal ah ee ay qaadaan wuxuu ahaa sannadkii 2011kii, saddexdii sano ee u dambeeyayse waxay ku dhameeyeen kaalinta tobnaad iyo midda siddeedaad.



More Sports...

Lionel Messi oo ganaax lacageed loogu baddelay badalkii xabsiga

24/06/2017 06:39:00:-Xiddiga kubadda cagta ee Lionel Messi ayaa ka baaqsan kara inuu xabsi galo muddo 21 bilood ah, ka dib markii lagu helay inuu cashuur la goostay, xabsigana loogu badeli karo ganaax lacageed, sida ay ku warramayso warbaahinta Spain.

Laacib Cristiano Ronaldo oo doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid

20/06/2017 09:14:00:-Xidiga kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa aad uga carooday eedeynta ah inuu canshuur la baxsaday, waxaana uu doonayaa inuu kooxdaasi ka tago, sida uu BBC-da u sheegay qof aad ugu dhaw.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo loo haysto canshuur lunsasho

13/06/2017 16:36:00:-Dacwad oogeyaal reer Spain ah ayaa ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ku eedeeyay in uu dawladda ka khayaanay canshuuro gaaraya malaayiin doolar.

Kooxda Manchester United oo ka takhluuseysa Zlatan Ibrahimovic

10/06/2017 12:53:00:-Kooxda Manchester United ayaanan la filayn in qandaraas cusub ay u bandhigto weeraryahankooda Zlatan Ibrahimovic marka 30-ka Juun uu dhaco midka uu haatan kula joogo kooxdaasi.

Ciyaaryahan Afrikaan ah oo garoon ku dhex geeriyooday isaga oo aalamiinteynaya

06/06/2017 06:27:00:-Cheik Tioté (30-jir) oo kasoo jeeda dalka ivory coast islamarkaana u ciyaari jiray kooxda Newcastle ayaa geeriyooday kaddib markii uu ku dhacay garoon uu ku tababaranayay oo ku yaal magaalada Baijing ee dalkaasi Shiinaha.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.