Madaxweynaha Rwanda oo booqasho ugu bilaabatay Jabuuti
- Posted at 18/04/2017 20:43:00
By Webmaster

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa gaaray magaalada Jabuuti, kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Paul Kagame ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha loogu soo dhoweeyay si diiran, waxaana loo dhigay roogga cas, isagoo salaan sharaf siiyay calanka Jabuuti.

Booqashada madaxweynaha Rwanda ayaa qaadan doonto mudo labo cisho, isagoo inta uu ku sugan yahay Jabuuti kulamo la qaadan doono Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada dal ayaa lagu wadaa inay kala saxiixdaan heshiis iskaashi oo dhinacyo badan quseeyo.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadkii hore booqasho ku tegay Kigali ee dalka Rwanda, iyadoo xiriirka labada dal sii xoogeysanayay mudooyinkii u danbeeyay.

Dalka Rwanda oo dagaalo jahli ah soo mareen oo lagu dilay dad gaaraya hal milyan qof ayaa marka laga hadlaayo colaada Afrika waxaa tusaale loo soo qaataa habka ay Rwanda ugu gudubtay dagaaladaasi iyo sida ay ugu soo kabsatay, waarna tusaale Somalia u baan tahay in ay raacdo wadadii Rwanda. 



More News...

Madaxweynaha oo boqolaal shacab ah kula tukaday salaada ciida masjidka isbaheysiga

25/06/2017 18:06:00:-Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta la ciiday boqolaal shacab ah oo kasoo qeybgalay tukushada Salaada Ciidul Fitriga ee masjidka Isbaheysiga.

Madaxweynaha Puntland iyo wasiirka arrimaha gudaha oo shacabka kala qeybgalay tukashada Salaada Ciid ee Garoowe

25/06/2017 17:08:00:- Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Somalia Cabdi Saciid Faarax Juxaa ayaa magaalada Garowe kula ciiday shacabka degmadaasi, iyadoo salaadii ciida ay ku tukadeen garoonka ciyaaraha Mira Awaare.

Taliye kuxigeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika oo salaad tujiyay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

24/06/2017 22:51:00:- Taliyaha kuxigeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika Abuhena Saifulislam oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa salaad ku tujiyay taliska ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku leeyihiin ciidamada Mareykanka taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Musaveni

24/06/2017 22:23:00:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Kampala. Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo dalalka Islaamka qaarkood oo beri laga ciidayo

24/06/2017 22:16:00:-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhowaaqday in berri ay tahay maalin ciid ah, iyadoo sheegtay in ay xaqiijisay aragtida bisha Shawaal sidaasina ay Ciid ku tahay beri.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.