Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay safiirada Turkiga iyo Sweden
- Posted at 18/04/2017 22:39:00
By Webmaster

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta si kala gooni gooni xafiiskiisa ugu qaabilay Danjiraha Turkiga u fadhiya Somaaliya iyo Danjiraha Sweden.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa ugu horeyn la kulmay Safiirka Turkiga Olgan Bekar, isagoo ugu mahadceliyay taageerada uu Turkigu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkiga ay Umadda Soomaaliyeed abaal u heyso

“Danjiraha waxaan ugu hambalyeeyay natiijada Aftida Axaddii laga qaaday dadweynaha Turkiga, waxaanan u sheegay in ay Soomaaliya rajeyneyso in ay taasi sii xoojiso iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Mr Yuusuf Garaad ayaa tilmaamay in Danjiraha Turkiga u sheegay mashruuc biyaha iyo waraabka oo laga hirgeliyay Jowhar, isla markaana damacsan yihiin in deegaano kale gaarsiiyaan Turkidu.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mikael Lindvall oo ah Safiirka Sweden u jooga Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen dhinacyada iskaahsiga labada dal u dhaxeeya.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xoojineyso adeega hab maamuuska qaranka, maadaama agaasinkaas uu yahay iridda saxda ah ee xiriirka caalamiga ah ee ay Dowladaha iyo Hey’adaha Ajnabiga ahi ay tahay in ay u soo maraan xiriirka, casuumadaha, kulammada iyo wadashaqeynta iyaga iyo hey’adaha Dowladda Soomaaliyeed.Ugu dambeyn waxaa Danjire Yuusuf Garaad kulankan ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.



More News...

Shakhsiyaad caan ah oo mar kale xaflad qalin-jabin ah u sameeyeen jaamacadihii ay kasoo bexeen - Yaad ka taqaan?

22/05/2017 18:22:00:-Shakhsiyaadkan caanka ah ee xafladda mar kale loo qabtay ayaa waxaa ka mid ah Oprah WInfrey, Arnold Schwarzenegger, Pharrell Williams, Nick Offerman, Octavia Spence, Helen Mirren iyo qaar kaloo badan.

Ra`iisal wasaaraha oo dhiirigeliyey ciidamada howlgalka caasimadda oo hub soo ururiyey

22/05/2017 16:59:00:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra'isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Haweeney gaari buuxa oo alaab ah kasoo xadday dukaan oo bannaanka mucjiso ku qabsatay

22/05/2017 17:29:00:-Haweeney tuugo ah ayaa gaari kuwa lagu adeegto oo alaa ka buuxda kasoo xaday mid ka mid ah dukaamada Walmar ee dalkaasi Mareykanka. Waxaa bannaanka ku qabsatay arrinlayaab leh kaddib markii ay kaligeed fuftay, alaabtina ka carartay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si diirran loogu soo dhoweeyay Israel

22/05/2017 15:16:00:-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tegay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

LA-YAAB: Askarigii ugu horreeyay ee robot ah oo ku biiray booliska garoonka diyaaraddaha Dubai

22/05/2017 15:40:00:-Booliska Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee gacan-ku sameys (Robot) caqli leh.Robot-ka Booliska ah ayaa mid shaqadiisa si xirfad ku jirto u gudanaya isagoo gacan siin doona dadweynaha magaalada Dubai iyo dadka fara badan ee halkaasi u taga dalxiiska.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.