Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo xeebta Liido u damaashaad tegay
- Posted at 20/04/2017 00:01:00
By Webmaster

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xeebta Liido ku baashaalay dhalinyaro ku damaashaadaysay xeebta, kuwaasi oo ay ku jireen qurba joog dalka ku laabtay.

Ra'iisul wasaare Kheyre iyo Taabit ayaa dhalinyarada ka dhageystay sida ay ugu faraxsan yihiin inay damaashaad u yimaadaan Liido, waxayna halkaasi Kheyre iyo Taabit ku daawadeen ciyaaro janeestiko ah oo dhalinyarada ay soo bandhigeen.

Intii uu ra'iisul wasaaraha ku sugnaa xeebta Liido ayaa amaanka waqooyiga Muqdisho ilaa madaxtooyada aad loo adkeeyay, iyadoo dadka laga hakiyay isu socodka.     


More News...

Marwada madaxweynaha oo booqasho ugu tagtay dhaawacyada jiifa isbitaal Madiina

17/10/2017 17:40:00:- Marwada madaxweyne Farmaajo, Saynab Cabdi Macallin ayaa ka mid noqotay dadka booqashada ugu tegay dhaawacyada qaraxii waxashnimada ahaa eei 14-ki bishan ka dhacay isgoyska Zoobe, iyadoo wax xooggaa deeq ah gaarsiisay.

ABUU MANSUUR " - Mooshinka xildhibaanada wadaan haloo badalo mooshin dagaal oo Al-Shabaab ah"

17/10/2017 17:44:00:-"Waxaan arkay wixii sameynaaya, shacabka ha u midoobaan, boqol boqol ayaa u dhimaneysaan, laakiin hal maalin hadaad dhaqaaqdaan intaan idinkama dhiman-meysee iska dhiciya Al-Shabaab ayuu yiri" abuu Mansuur oo baarlamaanka ugu baaqay in mooshinada ay wadaan inay u badalaan mid Shabaab lagula dagaalamayo.

Qaramada Midoobay oo qalab lagu ogaanayo in dad nool ku hoos jiraan weli bur-burka geysay goobtii qaraxa ka dhacay ee Zoobe

17/10/2017 18:10:00:- Shaqaale u tababaran sheegista dhaqdhaqaaqa iyo in qof nool uu ku hoos jiro burburka ka dhashay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta soo gaaray goobtii uu qaraxa ka dhacay 14-kii bisha Oktoobar.

M/WEYNAHA PUNTLAND: " - Waxaannu Muqdisho u direynaa diyaarad sida daawo iyo dhakhaatiir"

17/10/2017 15:57:00:- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka qeyb qaadaneyso gurmadka masiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho 14-kii bishan isla markaana maalinta beri ah ay magaalada Muqdisho usoo dirayaan diyaarad sida daawo, dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimad.

Kooxda ISIS oo laga qabsaday caasimaddoodii dalka Suuriya ee Raqqa

17/10/2017 17:20:00:-Isbahaysi Kurdiyiinta Suuriya ah oo Maraykanku taageero iyo dagaal-yahanno Carab ah ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu dhigeen halkii xarunta u ahaan jirtay kooxda dawladda Islaamiga ee magaalada Raqqa. Afhayeen u hadlay xoogagga SDF, Talal Sello, wuxuu sheegay in xoogagooda ay guushan ku qaadatay shan bilood oo dullaan ah.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.