Home Wararka Somaliya Puntland Maamulka Puntland oo ka horyimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya Dalka kaga Saarayso...

Maamulka Puntland oo ka horyimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya Dalka kaga Saarayso UNSOM

0

Maamulka Puntland ayaa ka horyimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ay ku dooneyso in la joojiyo shaqada xafiiska QM ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaasi oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

Dowladda federaalka oo dalabkan u gudbisay Qaramada Midoobay ayaa waxay ku sababeysay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya u madax-banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Puntland ayaa go’aankan ku tilmaamtay mid qaris ka tuurnimo ah oo aan laga fiirsan, ayada oo ku dooday in xafiiska UNSOM ee Soomaaliya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xilligaan dowladnimadeena.

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) kaalin muuqata ayuu ku leeyahay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa waxa uu sheegay in xilligan aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, markaasna uu xafiiska QM ee UNSOM uu door wanaaagsan ku leeyahay u qareemidda iyo difaaca qaddiyadda dowladnimada Soomaaliya, sida uu sheegay.

“Xasan Sheekh isagaa maalin kasta looga yeeraa Xalane. Horta xaggee joogtaa dowlad oran kartaa xafiiska Jimciyadda Qurumaha (QM) ka dhaxeysaan ka maarannaa?. Dowlad ma jirtaa baa meesha taala!,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku dooday in xafiiskan uu fududeeyo, uuna ka shaqeeyo inta badan xal u helida iyo isu soo dhaweynta dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

“Xafiiska UNSOM wuxuu fududeeya wada-hadalada iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee mar walba dhex-mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Marka haddii doorkooda la waayo waxaa meesha ka baxeysa dowladnimada Soomaaliya.”

Previous articleSafarkii Spain ee Liibiya isku baddelay: Sida gabadhan Soomaaliyeed uu u khiyaanay magafihii u ballan qaaday inuu Spain geynayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here