Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerary Bar Koontarool oo ay ku sugnaayewn Ciidamada Dowlada

Alshabaab oo Weerary Bar Koontarool oo ay ku sugnaayewn Ciidamada Dowlada

0

Dagaal muddo daqiiqado ah socday ayaa saakay degmada Hiliwaa gaar ahaan xaafada Suuqa Xoolaha ku dhax maray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo rag hubeesan oo loo maleenayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa bilowday kaddib markii rag hubeesan weerar ku qaadeen bar ay joogeen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo kutaalla halka loo yaqaan Baar Jowhar, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo 30-daqiiqo ah socday.

Dagaalka ayaa wararku sheegayaan in uu khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray ciidamada booliiska iyo ragii hubeesnaa ee dagaalamay , lamana oga dagaalka in khasaaro kasoo gaaray shacabka degnaa aaga lagu dagaalamay.

Ragii hubeesnaa ee weerarka kusoo qaaday ciidanka dowladda ayaa markii dambe dib u gurtay, waxaana ciidanka booliiska gaaray gurmad , saraakiisha ciidanka ayaana sheegay in ay kusii daba jiraan ragii weerarka kusoo qaaday.

Degmada Hiliwaa ayaa waxaa ku badan weerarada tooska ah ay raga hubeesan kusoo qaadaan baraha ciidan ee ka joogaan degmadaasi, waxaa sidoo kale xaafadaha degmadaasi mararka qaar dhibaatooyin ka geesta burcad hubeesan.

Previous articleNabadoon Xaad oo ku hanjabay in lasoo celinayo ‘Badbaado Qaran Hadii Xasan shiikh Mudo korarsiga Ka Dhabeeyo
Next articleMuxuu yahay heshiiska lama filaanka ah ee Sucuudiga iyo Eeraan gaareen?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here