Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo weerer Culus ku Qaaday Magaalada Baydhabo Xili ay horay u...

Alshabaab oo weerer Culus ku Qaaday Magaalada Baydhabo Xili ay horay u Go,doomiyeen.

0

Warar Dheere ah ayaa Kasoo Baxaaya laba weerer oo Alshabaab Xalay ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ahna Xarunta Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Koonfurgalbeed.

Labadaan weerar oo ahaa ku aad culus ayaa dhexmaray Ciidamada Koonfurgalbeed iyo Alshabaabkii weerarka soo Qaaday  Weeraradaan ayaana ka Dhacay Saldhiga ciidamada Daraawiishta Koonfurgabeed ee Saldhigoodu yahay Deegaanka Makuundo.

ilo Deegaanka ah ayaa noo xaqiijiyay in Ciidamada Koonfur galbeed iska Caabiyeen Alshabaabkii Weerarka Soo Qaaday ayagoo ku Qasbay inay Dib ugu laabtaan Halkii ay ka yimaadeeen.

Sidoo kale Alshabaab ayaa Madaafic u qaybisay Xaafada Ka tirsan Magaalada Baydhabo intuu uu dagaalku socday lama oga ilaa hada Khasaaraha Soo gaaray Dadka Shacabka ah iyo Waliba Ciidamadii Dagaalamay.

weerarkaan ayaa ku soo aadaaya Xili alshabaab Go,doomiyeen Magaalada Baydhabo oo Laba Todobaad ah kujirta Xayiraad Dhanka Alaaabihii uga imaan jireen Magaalada Muqdisho Taas oo sababtay in Maciishada Magaaladaas ay Sare ukacdo

Previous articleMadoobe oo hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.
Next articleFal Argagax leh oo ka Dhacay Dhadhaab Nin Gowracay Will uu Abti u Ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here