Home News in English Fal Argagax leh oo ka Dhacay Dhadhaab Nin Gowracay Will uu Abti...

Fal Argagax leh oo ka Dhacay Dhadhaab Nin Gowracay Will uu Abti u Ahaa.

0

Cabdulqaadir Cabdulaahi ayaa Gowracay Wiil uu abti u ahaa oo Halsano jir ahaa  Sidoo kalana Dhaawacay Walashiis uur 8 bil ah lahayd.

Cabdulqaadir Cabdulahi ayaana Intaas kadib ka baxsaday Ciidamada Amaanka oo wali Baadi goob ugu jira Falkaan aragagax leh ayaa ka dhacay xerada Dhadhaab oo ay ku noolyihiin Soomaali badan oo Qaxooti ah.

mid kamid ah Musuliyiinta deegaanka oo warbaahinta lahadlay ayaa Yiri:

halkaan waxaa ka dhacay arin aad iyo aad u foolxun taas oo ah inuu dilay wiil yar oo abti u yahay oo halsana jir ahaa iyo walaashiis oo uur ahayd taas oo uu tilmaamay inuu soo gaaray dhaawac aad u culus gabadha walashiis ah waxa uu madaxa uga dhufta masaar aad u culus  kadibna baangad ayuu usii raaciyay dhegta way go,day gabadha intaas kadib waxaa loola cararay hospitaal ku yaala Magaalada Gaarisa.

wuxuu kaloo sheegay  in ninka falkaan argagax leh gaystay uu aad u isticmaali jiray maandooriyaha hada kahorna loo xiray maandooriyaha dartiis Balse lasoo daayay.

 

Previous articleAlshabaab oo weerer Culus ku Qaaday Magaalada Baydhabo Xili ay horay u Go,doomiyeen.
Next articleAmaanka Xarunta Gobalka Banaadir oo aad loo adkeeyey Xilli Al-shabaab Muqdisho weerar ka bilaabeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here