Home Wararka Somaliya Galmudug Baarlamaanka Labada Aqal oo cod aqlibayad leh ku ansixiyay Miisaaniyda Dowlada.

Baarlamaanka Labada Aqal oo cod aqlibayad leh ku ansixiyay Miisaaniyda Dowlada.

0

Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda.

Doodda miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka oo maalmihii dambe ka socotay Golaha ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ansixiyay ku laabashadeeda 169 Xildhibaan.

Sidoo kale waxaa diiday 1 Xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan oo kale. Sidaas ayaa lagu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dalka ee 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in talooyinka iyo soo jeedimaha warbixintaas ku jiray ay sidaas ansax ku yihiin oo ay ku jiraan miisaaniyadda la ansixiyay, sida uu sheegay.

“Waxaa rabaa in aan si gaar ah uga mahdceliyo guddiga maaliyadda ee wadajirka ah iyo hoggaankoooda ee dadaalka u galiyeen muddadii miisaaniyada ku noqoshada gacantooda ku jirtay oo ay u kala kicin har iyo habeen, oo waqtiga aan haysanay uu aad ciriiri u ahaa.”
Previous articleKenya oo xaqiijisay in Al-Shabaab ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Next articleMaxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Adag Ku Riday Tiktikleey Gacan ka Hadal dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here