Home Wararka Somaliya Galmudug Kenya oo xaqiijisay in Al-Shabaab ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Kenya oo xaqiijisay in Al-Shabaab ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

0

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa waxay kordhiyeen howlgalada ay ka wadaan xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya, iyaga oo ka jawaabayay weeraro ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen.

Weeraro is xig xigay oo Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimaha Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gaarisa, Lamu iyo Mandheera ee Waqooyi ayaa ku qasbay dowladda Kenya in ay ka laabato qorshaha ay ku dooneyso in ay dib ugu furto soohdinta Soomaaliya.
Dhawaan weerar lagu qaaday fariisin ciidan oo ku yaal Siraari, ciidamada ammaanka Kenya waxay dileen labo qof oo looga shakiyay inay doonayeen inay is qarxiyaan, waxayna soo dejiyeen diyaarad aan duuliye lahayn oo Al-Shabaab ay u adeegsanayeen ururinta xogta ka hor weerarka.

Dhacdada ka dhacday degaanka Siraari ayaa xaqiijisay in kooxda Alshabaab ay bilaabeen in ay hawlgaladooda ku daraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan UAVs.


Illaa hadda, al-Shabaab ma awoodaan in ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku daraan walxaha qarxa ama hub kale sida ay Boko Haram ka sameeyeen Dooxada Lake Chad.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa noqday qalab muhiim ah oo ay qiimeeyaan ciidamada ammaanka iyo kooxaha argagixisada sannadihii u dambeeyay.
Milateriga Afrika oo dhan ayaa maalgashi ku sameeyay tignoolajiyada isku dhafan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga keeno adduunka oo dhan. 

Previous articleMaxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale dhegaysanaysa masuuliyiin dowladeed oo loo haysto musuq maasuq.
Next articleBaarlamaanka Labada Aqal oo cod aqlibayad leh ku ansixiyay Miisaaniyda Dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here