Home Ciyaaraha Maanta Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale dhegaysanaysa masuuliyiin dowladeed oo loo...

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale dhegaysanaysa masuuliyiin dowladeed oo loo haysto musuq maasuq.

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale dhegaysanaysa dacwadda loo haysto 4 eedeysane oo katirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Eedeysanayaashan ayaa loo haystaa inay ku kaceen lunsashada hanti dowladeed, xatooyo shacab iyo ku tagrifal awoodeed, waxaana maxkamadda maanta lagusoo bandhigay qaar kamida ah caddeymaha dambiyadooda.

Afarta eedaysane waxaa loo haystaa inay kumanaan iyo malaayiin dollar ku lunsadeen qallinka dowladda, inkastoo qareenada difaacaya ay eedda loo haysto ku tilmaameen mid lagu been abuuranayo.

Afarta eedeysane waxaa lagu kala magacabaa;

Cumar Macalin Nuur oo ah eedeysanaha koowaad, ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan, ku dhawaad 7 milyan oo dollar, Lacagtaas, oo ahayd hanti dadweyne iyo dakhli dowladeed oo uu masuul ka ahaa.

Eedeysanaha labaad, C/llaahi Maxamuud Cosoble, waxaa lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar. Waxaa loo haystaa inuu dukumentiyo been abuur ah ku qaatay lacago dowladeed.

Eedeysanaha saddexaad, Saabir Xasan Cabdi Nuur, waxaa loo haystaa lunsashada hanti dadweyne iyo dakhli dowladeed oo uu masuul ka ahaa, oo gaarayay, ($482, 730) Afar boqol sidddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar. Lunsashada dhaqaalahaan waxay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah.

Eedeysanaha afaraad, Aadan Maxamed Cabdi, waxay maxkamaddu ku eedeysay inuu lunsaday lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun lix boqol iyo afartan dollar, lacagtaas oo uu ku lunsaday isagoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah.

kala soco calanka media

Previous articleDowladda Kenya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi si hoose ugu xalliya khilaafaadkooda,
Next articleKenya oo xaqiijisay in Al-Shabaab ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here