Home Wararka Maanta Booliska Canada oo Shaaciyay Xog cusub oo ku saabsan weerarkii Toronto ee...

Booliska Canada oo Shaaciyay Xog cusub oo ku saabsan weerarkii Toronto ee lagu qaaday qabuuro ay dad Soomaali ah ku sugnaayeen

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Booliska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in qofka Soomaaliga ah ee lagu dilay weerar lagu qaaday qabuuro lagu aasayey Soomaali kale, uu yahay Ayuub Xirsi Cali oo deganaa magaalada Barnie ee gobolka Ontario.

Booliska ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday qabuuraha Richmond Hill, abaare 3:15pm ee Khamiistii kadib markii aaska qof Soomaali ah halkaas lagu soo geba-gebeeyey.

Ayuub ayaa ka qeyb galayey aaska Gidid Mohamed oo lagu toogtay laguna dilay banaanka goob lagu caweeyo Talaadadii, sida ay xaqiijiyeen booliska CBC Toronto. Booliska ayaa raadinaya saddex qof oo lagu tuhmayo dilka Gidid.

Dhinaca kale, dambi baarayaasha ayaa rumeysan in weerarka lagu qaaday Soomaalidii ku sugneyd qabuuraha uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayey Ayuub.

Ayuub ayaa isbitaalka loo qaaday isaga oo xaaladdiisa ay aad u liidato, wuxuuna geeriyodoay waxyar kadib markii la geeyey. Nin kale oo ah Soomaali 27 jir ah ayaa isna isbitalka weli ku jira isaga oo qaba dhaawacyo halis ah

Booliska ayaa sheegay in dambi baarayaasha ay ogaadeen in saddex tuhunsane oo dhammaantood rag ah ay ku carareen baabuur SUV ah, ayaga oo ku safray dhanka waddada Leslie Street. Waxay xirnaayeen funaanada madax koofi ku leg iyo maaskaro.

Waxaa jirta suurta-galnimo ah inay xiriiraan labada di lee Gidid Mohamed iyo Ayuub Xirsi Cali, islamarkaana kooxda beegsatay ay isku mid yihiin. Balse weli booliska ma gaarin go’aankaas.

 

 

 

 

 

Previous articleYaa ka danbeeyey weerarkii Salman Rushdie – Qoraaga buugga “Aayadaha Shaydaanka”
Next articleCiidamada Dowlada Galmudug iyo kuwa HirShabelle oo la wareegay deegaanno horleh oo Hoostaga Matabaan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here