Home Wararka Maanta Burcad biskoolad caag ah dadka ku dhaceysay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Burcad biskoolad caag ah dadka ku dhaceysay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

0

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Yaqshiid ayaa duhurnimadii maanta gacanta ku dhigay saddex nin oo burcad ah iyo mooto bajaaj ay wateen.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka qabteen saddexdan nin, xilli ay dadka ku dhacayeen biskoolad caag ah iyo sidoo kale toorey.

Burcadan ciidamada booliiska gacanta ku dhigeen ayaa xaafado katirsan degmada Yaqshiid ku dhacayay dadka shacabka ah, waxaana ragan la sheegay in horey dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesteen.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir iyo deegaannada ku hareereesan ayaa marar badan gacanta ku dhigay kooxo burcad hubeesan oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay dadka shacabka ah

Previous articleXasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirada Dalal Badan oo loosoo magacaabay Soomaaliya(Sawiro)
Next articleKhalid Aydd Ahmad oo la Dilay iyo Maraykanka oo War kasoo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here