Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ka Qabtay Sarkaal Sare oo katirsanaa Alshabaab.

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ka Qabtay Sarkaal Sare oo katirsanaa Alshabaab.

0

Ciidamada Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa Gacanta Ku dhigay nin Lagu Magacaabo Cabdi ow maxamed Fiidoow oo ahaa Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab ahaana ganacsade ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

ninkaan ayaa ahaa milkiilihii Lahaa Guri Dhawaan  Ciidamada Danab ay Weerareen oo ku Yaalay Degaanka Budbud ee Gobalka Shabeelada Dhexe Gurigaan ayaana Waxaa Ku Kaydsanaa Hub aad u farabadan iyo Qaraxyo Taa oo ugu danbayn ay Ciidamada Danab ku Gubeen Gurigii iyo Wixii ku jiray.

Xog aan Ka helnay Ciidamada NISA ayaa noo Xaqiijiyay in ninkaan Haatan uu ku xiranyahay Xabsi ay leedahay NISA oo su,aalo lagu waydinaayo ninkaan ayaana Shalay Galinkii Danbe Laga Qabtay Xaafada Siinaay ee magaalada Muqdisho.

cabdi ow maxamed Fiidoow ayaa wuxuu la dhashay sida la sheegay Madaxa Alshabaab ee Degaanka Budbud ninkaan ayaana Gurigiisa Alshabaab u ahaa Kaydka Hubka ee Budbud Mudo dheer oo la raadinaayay ayaa Shalay Gacanta Lagu dhigay.

Previous articleItoobiya oo Markale Dagaal culus Gudaheeda Ka Qarxay
Next articleShooble oo Sixir kula seexday Haween Badan kana Duubay Muuqaalo anshax xuma ah oo Maantay Muqdisho lagu xukumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here