Home Wararka Somaliya Galmudug Shooble oo Sixir kula seexday Haween Badan kana Duubay Muuqaalo anshax xuma...

Shooble oo Sixir kula seexday Haween Badan kana Duubay Muuqaalo anshax xuma ah oo Maantay Muqdisho lagu xukumay.

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in sixir iyo turufo uu adeegsaday kula saxiidday haween badan oo qaarkood la qabo ,kaddibna ka duubay muuqaalo anshax-xumo ah.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan oo lagu magacaabi Abuukar Maxamed Xasan (Shooble) oo ah 52-sanno jir isaga oo ku dhax jira gogol dhaaf iyo xumaan uu u adeegsaday sixir iyo turufo.

Ninkan ayaa maxkamadda gobolka Banaadir baaris dheer kaddib ku heshay in uu galay saddex kamid ah dambiyada lagu soo eedeeyay oo ay kamid ahaayeen in uu adeegsaday sixir iyo turufo uuna la seexday haween la qabo kana duubay qaarkood muuqaalo.

Ninkan ayaana maxkamadda horteeda ka qirtay in uu geestay dambiyada qaar ee lagu soo eedeeyay, waxa uuna sidoo kale ninkan sheegay in haweenka uu la seexday qaarkood ka duubay muuqaalo anshax-xumo ah sida iyaga oo qaawan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Shooble kusoo eedeeysay in uu si gaar ah u beegsan jiray dadka dhibanayasaha ah ee muuqaaladooda lagu baahiyo baraha bulshada, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay isaga oo sixir adeegsanaya in uu la seexan jiray haween la qabo.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Dabaan ayaa ugu dambeyn ninkan ku helay saddex dambi, waxa uuna ku riday xukun toban sanno oo xabsi ah oo ka dhalatay saddexda dambi ee maxkamadda ku heshay.

 

Previous articleCiidamada Amaanka oo Muqdisho ka Qabtay Sarkaal Sare oo katirsanaa Alshabaab.
Next articleXamsa Cabdi Barre oo Markale Balan qaaday inuu qiimaha waalida ah ee xajka lagu aado Hoos u dhigaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here