Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug Ayaa Dileen Horjooge Alshabaab mid kalna Nolosha Ku Qabteen.

Ciidamada Galmudug Ayaa Dileen Horjooge Alshabaab mid kalna Nolosha Ku Qabteen.

0

Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Ciidamada degaanka Bajeela ayaa howlgal Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Duleedka degaanka Baraag-Ciise waxay ku dileen nin ka Tirsan Alshabaab u qaadayay lacago baad ah, halka midna noloasha lagu soo qabtay iyo mooto ay wateen.

Ciidamada ayaa dilay horjeegihii maleeshiyada Baadda u aruurisa Alshabaab, mid nolosha ayaa lagu qabtay, halka lagu soo furtay Qoryihii ay wateen, mooto iyo isgaarsiinta ciidamada.

Ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in howlgalku yimid ka dib markii ay ka War heleen xubno ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee Ugus oo Lacago baad ah ka qaadayay Bulshada Baraag-Ciise

Previous articleGuudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiirro katirsanaa maamulkiisa kuwa cusubna magacaabay
Next articleMusuliyiintii Baxsadka ahaa oo mudo 30 cisho loga yeeray maxkamada gobolka banaadir,,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here