Home Ciyaaraha Maanta Musuliyiintii Baxsadka ahaa oo mudo 30 cisho loga yeeray maxkamada gobolka banaadir,,

Musuliyiintii Baxsadka ahaa oo mudo 30 cisho loga yeeray maxkamada gobolka banaadir,,

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu yeertay 7 masuul oo ka tirsan hay’addaha dowladda inay muddo ku siman 30 maalmood gudahood ah ay ku horyimaadaan maxkamadda.

Baafin rasmi ah oo kasoo baxday maxkamadda gobolka ayaa waxaa kasoo dhex muuqday agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey, agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo agaasimihii dhawaan is-casilay ee Cabdul.

Masuuliyiintan ayaa waxay dacwad ciqaab ah oo dhinac ka yihiin uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay inay galeen musuq-maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukuminti iyo ku takrifal hanti dadweyne.

“Waxay maxkamadda faraysaa eedeysanayaashan inay ku hor yimaadaan maxakmadda muddo soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka bilaabanaysa maalinta taariikhdu tahay 11/07/2023 kuna eeg 11/08/2023, oo ah maalin Arbaco ah, saacaduna tahay 10:00 Am subaxnimo, si ay iskaga difaacaan eedda uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxay fareysaa masuuliyiintaan inay dhowraan wakhtiga maxkmadda ay u qabatay, haddii ay maxkmadda ku hor imaan waayaan muddadaas ay maxkmadda qaadi doonto habraaca ku xusan Qod. 128/E Xeer lambar.84 oo ah in ay qaadi doonto dacwadooda iyaga oo maqane ah.

Hoos ka aqriso magacyada masuuliyiintan ay u yeertay maxkamadda;

1. Muxudiin Xasan Jurus (Saabey), ahaa agaasimaha waaxda canshuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya – maqane.

2. Maxamed Idiriis Axmed, ahaa madaxa qaybta canshuuraha dadban ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – maqane.

3. Dr. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), ahaana agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda – maqane.

4. Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ahaana agaasimihii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – maqane.

5. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caadle), ahaana agaasimihii hore ee waaxda ajaanibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda – maqane.

6. Abuukara Xasan Aadan, ahaana madaxii hore ee xaqiijinta dukumtiyada codsiga Visa kordhinta ee waaxda ajaanibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – maqane.

7. Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim, ahna shaqaale ka tirsan qeybta ruqsad siinta ajaanibta ee waaxda sharciga iyo xiriirka shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kana howl-gali jiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan – maqane.
Previous articleCiidamada Galmudug Ayaa Dileen Horjooge Alshabaab mid kalna Nolosha Ku Qabteen.
Next articleDiyaarad Siday Madax Iyo shacab oo ku Burburtay Garoonka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here