Home Wararka Maanta Daria Trepova oo Sida Layaabka lahayd U Dishay Sarkaal Sare Vladen...

Daria Trepova oo Sida Layaabka lahayd U Dishay Sarkaal Sare Vladen Tatarsky oo Gacanta Lagu dhigay (Sawirro)

0

Ciidamada ammaanka dalka Ruushka ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan haweeney lagu tuhmayo in ay ka dambeesay qarax xooggan oo lagu dilay nin lagu magacaabayay Vladen Tatarsky oo aad u taageersanaa madaxweyne Putin.

Ninkan oo qori jiray dacaayadaha uu rabo madaxweyne Putin kana tirsanaa ciidamada Ruushka ayaa lagu dilay qarax hadiyad ahaan loogu geeyay ,xilli uu ka qeyb galayay munaasabad ka socotay goob maqaayad ah.

Kaamirada qarsoon ee loo yaqaan CCTV ayaa duubtay haweeney lagu magacaabo  Daria Trepova oo 26-sanno jir ah oo maqaayada galineysa kartoonka uu ku jiray qaraxa, waxaana wax yar kaddib gudaha maqaayada ka dhacay qaraxa.

Ciidamada ammaanka dalka Ruusgka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada qaraxa uu ka dhacay ee St Petersburg kusoo qabtay haweeneyda qaraxa lagu tuhmayo, xilli ay ku jirtay baxsad.

Booliiska ayaana haweeneydan su’aalo ka weediinayay qaraxa lagu dilay Vladen Tatarsky oo caan ka ahaa gudaha Ruushka, waxa ayna booliiska sidoo kale baadi-goob ugu jiraan dad kale oo weerarkan lagu tuhmayo.

Previous articleQoor Qoor oo Malxiiskii La Tartamay Doorashadii uu Ku soo baxay oo Xil Sare u Magacaabay
Next articleXasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirada Dalal Badan oo loosoo magacaabay Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here