Home Wararka Maanta DEG DEG:Raysulwasaaraha Cusub ee UK oo loo Doortay nin Hindi ah

DEG DEG:Raysulwasaaraha Cusub ee UK oo loo Doortay nin Hindi ah

0

Rishi Sunak ayaa goordhaw ku guuleystay tartanka hoggaanka Conservative-ka ee UK waxaana lagu wadaa inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britian, isagoo xilka kala wareegaya Liz Truss oo dhawaan iscasishay.

Rishi ayaa ahaa Wasiirkii Maaliyadda isagoo 7 sano xildhibaan ahaa, waxaana guushiisa dhiiro gelisay markii Ra’isul wasaarihii hore ee Boris Johnson oo kamid ah dadka loo saadaalinyay xilka Ra’isul wasaaraha cusub uu xalay tanaasulay.

Isaga iyo xaaskiisa waxa hantidooda lagu qiyaasayaa 824 milyan oo doollar.
Sunak, oo waalidkiis ay asal ahaan ka soo jeedaan Punjab, Hindiya, ayaa noqon doona qofkii ugu horreeyay oo aan cadaan aheyn oo noqda ra’iisul wasaaraha UK.
Sunak ayaa si rasmi ah ugala wareego doona jagada ra’iisul wasaaraha Ms. Truss Todobaadkan gudahiisa, waxaa xusid mudan in Truss ay xilka ra’iisul wasaarenimo heysay 50 maalmood oo keliya, waana Ra’isul wasaarihii ugu mudada gaabnaa.

Truss iney xilka ka dagto waxaa sabab u ahaa kadib qalalaasihii ka dhex jiray golaheeda wasiirada iyo iyada oo ay jirto falcelin rabshado leh oo ku saabsan dhaqaalaha UK oo hoos u dhacay, waxaana la sugayaa sida Rishi uu u mareyn doono

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Masaajid Cali Gaduud iyo Diyaarado ka qeyb qaadanaya
Next articleAlshabaab oo si ba,an loogu Duqeeyey Deegaanka Masaajidka Cali Gaduud iyo khasaaro Xoogan oosoo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here