Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Masaajid Cali Gaduud iyo Diyaarado ka qeyb qaadanaya

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Masaajid Cali Gaduud iyo Diyaarado ka qeyb qaadanaya

0

Dagaal faraha looga gubtay dhiig badana ku daateen ayaa wali ka socda deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo duleedkiisa, waxaana gacan ku heynta deegaankaasi ku hardamaya ciidamada dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka oo duullaan ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayey wali u suurtoobin in ay si buuxda ula wareegaan, waxa ayna dagaal adag kala kulmeen dagaalyahanada kooxda Al Shabaab.

Labada dhinac ayaa dagaal xooggan waxa uu ku dhax marayay qeybo kamid ah deegaanka iyo duleedkiisa, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay deegaankaasi ka socday dagaal xooggan oo lagu kala adkaan waayay.

Diyaarada dagaalka aan duuliyaha laheyn ee dowladda Turkiga ayaa ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda Masaajid Cali Gaduud, diyaaradana ayaana duqeynaya saldhigyo iyo dhufeesyo Al Shabaab ka sameesteen deegaanka iyo bannaankiisa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalka Al Shabaab looga dilay saraakiil iyo dagaalyahano aad u badan, waxa ayna sheegeen in rejo badan ka qabaan in saacadaha soo aadan deegaanka si buuxda ula wareegaan.

Dagaalka ka socda deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa noqday kii ugu cuslaa ee dhax mara ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlagalada kawada qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Previous articleWariye Caan ah oo lagu dilay dalka Kenya iyo Madaxweyne Arif Alvi oo ka hadlay
Next articleDEG DEG:Raysulwasaaraha Cusub ee UK oo loo Doortay nin Hindi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here