Home Wararka Caalamka Dhalinyaro Fal layaab leh ka Gaystay Kismaayo oo lasoo Qabtay

Dhalinyaro Fal layaab leh ka Gaystay Kismaayo oo lasoo Qabtay

0

Booliska Gobolka J/hoose oo gacanta kusoo dhigay Gabdho iyo wiilal baraha bulshada ku faafiyay ayagoo garaacaya wiil dhallinyaro ah

Dhallinyarada oo isugu jiray laba gabdhood iyo afar wiil ayay ciidamadu kasoo qabteen xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo, waxayna ku eedeeysanyihiin in ay isugu tageen wiil dhallinyaro ah, kaasoo oo ay baraha bulshada soo dhigeen ayagoo garaacaya.

Dhame Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha Booliska Gobolka J/hoose ayaa sheegay in falalkan noocaan ah ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, dhallinyaradana la horkeeni doono sharciga.

Taliyaha ayaa xusay in tallaabo sharciga waafaqsanna laga qaadi doono cid walba oo ku kacda falalkan oo kale.

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Wafdi Culus Xili Dhuusamareeb kusoo laabtay
Next articleNajma Nashaad oo Ka Baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab ahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here