Home Wararka Caalamka Wararkii ugu danbeeyey ee dibadbaxyada lagu taageerayo Falastiin ee ka dhacaya Maraykanka

Wararkii ugu danbeeyey ee dibadbaxyada lagu taageerayo Falastiin ee ka dhacaya Maraykanka

0
Foto: Erik Glaad/Sveriges Radio

Waxaa sii xooggaysanaya dibadbaxyada ay dhigayaan ardayda jaamacadaha ee dalka Maraykanka, kuwaas oo ay ku taageerayaan Falastin.

Jaamacadda California ee ku taalla magaalada Los Angeles, waxaa ka dhacay isku dhacyo rabshado wata, rabshadahaas oo u dhaxeeya mudaharaadayaal taageersa Falastiin iyo kuwa ka soo horjeeda.

Koox taageeraysay Israa’iil ayaa bilaabay inay burburiyaan xeyndaab ay ku jiraan mudaharaadayaal taageersanaa falastiin.

Duqa, Los Angeles, Karen Bass, ayaa cambaareysay rabshadahan, waxayna ku tilmaantay “wax laga naxo” iyo “wax aan cudur daar lahayn” in ay magaalada ka dhacaan.

Sidaas oo kale dibadbaxyo kale ayaa ka dhacay jaamacadda Wisconsin-Madison, halkaas oo sidoo kale dibadbaxayaasha iyo boolisku ay isku dhaceen.

Tiro yar oo ka mida ardayda jaamacad Columbia ayaa dib alaabtooda ugu qadaanaya xayndaabyadii ay ku sugnaayeen.

Bannaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin ayaa ku fidayay jaamacadaha ku yaal Mareykanka. In ka badan kun qof ayaa loo xiray labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Previous articleSida haweenaydan 98-sano jirkaa cagaheeda ugu baxsatay colaadda dad kumanaan ah ay ku dhinteen.
Next articleBarakac Xoogan oo kasocda Mgaalada Baladwayne ee Gobalka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here