Home Wararka Caalamka Erdogan oo Ankara ku casuumay Netanyahu

Erdogan oo Ankara ku casuumay Netanyahu

0
FILE - Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu attends the weekly cabinet meeting in the prime minister's office in Jerusalem, Sunday, June 25, 2023. Netanyahu's office says he has been rushed to a hospital but that is in “good condition” as he undergoes a medical evaluation. The Israeli leader’s office said he was being treated on Saturday, July 15, 2023 at Israel’s Sheba Hospital, near Tel Aviv. (Abir Sultan/Pool Photo via AP, File)

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas Khamiistii xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu soo dhoweyn doonaa madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu toddobaad gudihiis,

Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadli doona “Xiriirka Turkiga iyo Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo Falastiin, iyo sidoo kale arrimo kale oo caalami ah,”, ayay raacisay.

Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyey booqashada oo noqoneysa tii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Israeli ah, tan iyo Ehud Olmert oo booqday Turkey 2008.

Bishii April, isku dhacyo ayaa ka dhacay gudaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, halkaasi oo booliska Israel ay kula dagaalameen Falastiiniyiinta.

Erdogan ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay “khadka cas”.

Hase yeeshee kadib dhowr sano oo xurguf ay dhaxeysay labada dal, xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa soo hagaagayay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo dhowr jeer ay dhaceen booqashooyin heer sare ah, oo ay ku jirto mid madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey.

Xiriirka ayaa xumaaday sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay weerar culus ku qaadeen markabka Turkiga laga leeyahay ee Mavi Marmara, kaasi oo doonayay in uu gargaar gaarsiiyo marinka Gaza oo ay Israel go’doomisay ayna maamusho kooxda Xamas.

Bishii May 2018, Turkiga ayaa u yeeray safiirkii u joogay Tel Aviv, wuxuuna eryay safiirkii Israel ee Ankara kadib markii ciidammada Israel ay Gaza ku dileen ilaa 50 Falastiiniyiin ah.

Previous articleXildhibaan Cabdiraxman Maxamed CumarJubba oo Geeriyooday
Next articleDiyaarad Wehlineysay Aadan Ducaale Oo Burburtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here