Home Ciyaaraha Maanta Diyaarad Wehlineysay Aadan Ducaale Oo Burburtay.

Diyaarad Wehlineysay Aadan Ducaale Oo Burburtay.

0

Saraakiil sarsare oo katirsan ciidanka ayaa safarkaan ku wehliyay Aaadan Ducaale, waxa kamid ahaa Janaraal Ahmed Saman iyo Sarreeye guud Jeff Nyageh.

Sidee u burburtay diyaaraddu?

Diyaaradaan waxay ka mid ahayd saddex diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ah oo safar uu gobolo kala duwan ku tagayay wasiirka difaaca Kenya Aadan Ducaale ku wehlinayay, kuwaas oo ay saarneeyeen saraakiil millatri oo iyaguna qayb ka ahaa socdaalka.

Sida ay sheegeen Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF, diyaaradda ayaa isku dayaysay in ay ka kacdo goob barxad ah oo ku taalay degmada Tiaty oo ku taalla galbeedka Kenya kana tirsan ismaamulka Baringo. Kadibna waxaa qabsaday geed taas oo sababtay in ay dhulka ka dhacdo. inta aysan gaarin meel sare ayaa mid kamid baalaheeda wuxuu ku dhacay geed ku yaalay goobta barxadda ah agteeda.

Sawiro laga soo qaaday diyaaradda burburtay ayaa muujinaya in qaybta dambe iyo marwaxadaha ay ka go’aan diyaaradda.

Dhanka kale KDF oo la hadashay BBC ayaa sheegtay in shilka aysan cidna ku dhimatay iyo sidoo kale cid uu dhaawac ka soo gaaray.

Barxadda ayaa ku taalay dugsi hoose oo lagu magacaabo Chemolingot, iyaga oo masuuliyiinta goobta tagay doonayay in ay u kuurgalaan iskuulo ay dhiseen ciidanka Kenya.

Ka hor inta aysan aadin iskuulkaan shilku ka dhacay waxay socdaal kor meer ah ku soo mareen iskuulo kale oo ku yaalay gobolka Turkana.

Dawladda Kenya ayaa 13 kii bishii Febraayo waxay carabowday gobolo uu kamid yahay Turkana oo ay u aqoonsatay in ay yihiin aag qatar ah.

Falal burcadnimo oo aad u dran ayaa warbaahinta Kenya waxay marar kala duwan ka tabisay goboladaas kuwaas oo saameyn ku yeeshay waxbarashada dalka.

Sababaha ugu badan ee horseeda shilalka iyo burburka diyaaradaha

Inkastoo inta badan shilalka diyaaraduhu ay yeelan karaan sababo isbiirsaday laakiin sababaha ugu caansan uguna waweyn waa 5-taan.

1: Khaladaadka aadanaha

Khaladaadka waxaa ka mid ah daalka shaqada ee duuliyaha, walbahaarka maskaxda, iska indho-tirka ama go’aan qaadasho la’aan degdega ah oo saxan taas oo sababi karto shilal.

Sriwijaya Air SJ-182 ee Indonesia oo Janaayo 9, 2021 burburtay oo ay ku dhinteen 62 qof, ayay warbixinta baaritaankii ka soo sheegtay in shilka uu sabay laba sababood.

A: Qiiqu waa dhibaata sababta ceejinta (qalabka koontaroolaya nidaamka shidaalka ama awoodda injiinka, laakiin tan labaad waa duuliyaha oo aan qaadin tallaabo degdeg ah oo sax ah ka dib markii uu arkay calaamado badan oo qaldan ah ka hor duulimaadka.

2: Khaladaadka dhanka farsamada

Khaladaadka farsamada ayaa dhici kara, inkastoo ay yar yihiin marka marka la barbardhigo khaladaadka aadanaha, laakiin way dhacaan. Ciladaha dhaca waxaa ka mid ah kuwa dhanka korontada ah.

3: Dhibaatooyinka la xiriira cimilada

Sida laga soo xigtay Gloria Kulesa oo ka tirsan Hay’adda Xakamaynta Hawada ee Maraykanka, cimiladu waa qodobka ugu badan ee wax ka geysta dhammaan shilalka diyaaradaha ilaa 23% – oo ay ku jiraan shilalka waaweyn iyo kuwa yaryar – adduunka oo dhan.

Roobab culus, onkod iyo duufaano kale oo ay weheliso dabayl ama saamaynta barafka ee baalasha ama dhabarka diyaaradda ayaa ka mid ah sababaha ugu xun ee shilalka.

Waxay sheegeen inay aad dhif u tahay in cimiladu kaligeed ay keento shil diyaaradeed.

4: Luminta xiriirka raadaarka

Raadaarka hagidda diyaaraduhu waa saldhigga duulimaadka iyo soo degista diyaaradda. Waxay duuliyaha siisaa jihayn iyo hagitaan si uu u duulo waxayna la socotaa hab-dhaqankiisa mar kasta inta uu hawada ku jiro ilaa uu soo degayo.

Waa isku xirka aasaasiga ah ee isgaarsiinta inta lagu jiro duulimaadka haddii ay tahay rakaab ama xamuul.

Haddii uu jiro qalad isgaarsiineed waxaa aad u sarreeysa suurtagalnimada ah in diyaaraddu shil gasho.

Dhowr jeer ayey dhacday in diyaaraddu ay lumisay xiriirka raadaarka. Qaar dhib ma gaystaan, qaarna waxay geystaan ​​waxyeello.

5: In la weeraro ama la qabto

Weerarkan waxaa laga yaabaa inuu yahay mid hubka loo adeegsado sida gantaalada ama waxa uu noqon karaa mid makhluuqa ka yimaada sida shimbiraha waaweyn ee hawada sare duula.

Xayawaanka sida shimbiraha, weerarradoodu waxay keenaan waxyeelo yar, waxaa jira shimbiro khatar ku noqday badqabka diyaaradda iyo duuliyaha.

Previous articleErdogan oo Ankara ku casuumay Netanyahu
Next articleDowlada Imaaraadka Carabta oo Dadka Wata Pasport Soomaaliga U Diiday Fiisaha Dal ku Galka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here