Home Wararka Maanta Faahfaahin Dheeri oo kasoo Baxaysa Dilka Maxamed Cali Maas oo Muqdisho lagu...

Faahfaahin Dheeri oo kasoo Baxaysa Dilka Maxamed Cali Maas oo Muqdisho lagu Dilay

0

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xalay xaafad katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku dilay Maxamed Cali Maas oo kamid ah dhallinyarada caanka ka ah degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka ninkan oo kamid ahaa dadka iska lahaa goofaha kuyaalla Kaxda ay fuliyeen rag ku hubeesnaa qoryaha Ak-47, waxaana hadda socda baaritaano lagu ogaanayo dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada booliiska degmada Kaxda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada baaritaano ay sameeyeen la sheegay in ay kusoo qabqabteen dhallinyaro la tuhmay, kuwaa oo intooda badan lasii daayay.

Dilkan loo geestay Maxamed Cali Maas ayaan jirin wali cid sheegatay masuuliyadiisa, waxaana ehelada ninkan la dilay la sheegay in ay qabaan tuhuno kala duwan oo la xiriira cida wiilkooda dilka u geesatay.

Previous articleDuuliye la habaabay diyaarad Ruushku leeyahay oo ka dagey Mareykanka
Next articleWariye Caan ah oo lagu dilay dalka Kenya iyo Madaxweyne Arif Alvi oo ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here