Home Wararka Maanta Janaraal Biixi oo Shaaciyay Tirada Rasmiga ah ee Alshabaab Shalay looga Dilay...

Janaraal Biixi oo Shaaciyay Tirada Rasmiga ah ee Alshabaab Shalay looga Dilay Gobalka Mudug

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal shalay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Jeneraal Biixi oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan 39 xubnood oo Shabaab ka tirsanaa, isagoo u mahad celiyey saaxiibada dowladda ka taageera howlgallada Al-Shabaab.

“Waxaan Khawaarijta u geysanay jab aan laga sheekeyn karin, waxaan tirinay meydadka 39 xubnood, waxaan gubnay gaadiidkoodii, waxaan dul istaagnay meydadka 47 Shabaab ah, dhaawacyada in ka badan 50 kalena waxay geeyeen Joowle,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Deegaanada ay ciidanka xoogga dalka howlgalkaan ka fuliyeen ayaa galbeed ka xiga degmada Xarardheere, waxayna u dhowyihiin deegaanka Caad oo hadda ay ciidamadu aad ugu dhowyihiin.

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka, waxaana Shabaab-ka lagu baacsaday dhowr deegaan oo hoos tagta Xarardheere, iyadoo la isugu daray duqeymo iyo dagaal toos ah.

“Laba maalin gudahood Shabaab badan ayaan leynay, 47 meydad ah ayaan dul istaagnay, bulshada deegaanadaan ku nool waxay si joogto ah noo siiyaan xogta Khawaarijta, waa dad raba in deg deg looga xoreeyo cadowga,” ayuu hadlkiisa ku sii daray.

“Dadkii dhulkaan ku noolaa waa caroodeen, hubkooda ayey la soo baxeen, meel kasta oo Shabaab uu ka joogo Mudug iyo Galgaduud waxaa nooga imaanaya caawitaano, dadku waxay codsanayaan in aan ka soo gaarno, war naga kiciya hal mar, anagaa dhameystiri doonee ayey na leeyihiin dadku,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Previous articleNin ka tirsanaan jiray Sirdoonkii Soomaaliya oo hadda ah ku xigeenka hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-Shabaab
Next articleShiikh Soomoow “Dhamaanteen waxaa nagu waajib ah in aan galno Jihaadka, waxaa rabaa in loo duceeyo dhamaan intii ku shahiiday”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here