Home Wararka Caalamka Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf

Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay bulshada reer Galmudug gaar ahaan ehelladiisii geerida ku timid Allaha u naxariistee Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf oo ka mid ahaa culimmada iyo odayaasha tiir dhexaadka u ah Galmudug, kuna sifeysnaa fidinta diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey inuu u ugu deeqo naxariistiisa marxuumka, isagoo yiri “ Waxaan ilaahey u weydiineynaa naxariistiisa waasaca ah Shiikh Cabdiqani oo runtii bulshada iyo Dowladda Galmudug-ba u ahaa tiir dhexaad, kuna tilmaamnaa kaalin walba oo wanaag, haddii ay fidinta diinta ama kaalinta odaynimo ahaan laheyd. Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynaa dhammaan ehelkiisa iyo qarabaadiisa”

 

Previous articleMagaalada NewYork oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay
Next articleWeerar ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here