Home Ciyaaraha Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Dagay Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Dagay Magaalada Jowhar.

0

Waxaa Magaalada Jowhar Goordhayd Gaaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi uu Hogaaminaayo waxaana Garoonka Kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Safarkaan ayaa ahaa Mid Degdeg ahaa oo aan Horay loosii Shaacin.

warar Hordhac ah ayaa Sheegaya in Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu kuwajahan yahay xal u helida Khilaafka Halakaysan ee u dhaxeeya Madaxweyne guudlaawe iyo Cali jayte oo Ku dhawaaqday Maamulka Hiiraan state Xoogna Ku haysta inta Badan Gobalka Hiiraan.

Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii Cali Guudlaawe uu Xilka Ka qaaday Cali jayte oo ahaa gudoomiyihii Gobalka Hiiraan Cali jayte ayaana kacarooday Xilka Ka qaadistaas ayaa shaaciyay inay ka go,een Maamulka Hirshabeele oo ay Horay ugu Dulmanayeen.

Gaadiidlayda ka shaqeeya Hiiraan ayaa Todobaadkaan joojiyay inay shaqeeyaaan kadib lacaga farabadan oo lagu soo rogay gudoomiyaha cusub ee hirshabeele ayaa la sheegay inuu lacago ka qaado gadiidka ku safraaya hiiraan halka maamulka cali jaytana  ay qaadaan lacag kale oo laga qaado gaadiidka kusafraaya Hiiran.

 

Previous articleAlshabaab oo Markale Xalay Weerar ku Qaaday Magaalada Baydhabo iyo Xaalada cakiran ka jirto Magaladaas.
Next articleCiidamada Mareykanka oo malaayiin farriimo ah si aan ku talagal aheyn ugu diray saaxiibbada Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here