Home Wararka Somaliya Galmudug Maleeshiyaad Hubaysan ayaa Goordhow La wareegay Koontaroolka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug

Maleeshiyaad Hubaysan ayaa Goordhow La wareegay Koontaroolka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug

0

Ciidamo aad u hubaysan o wata gaadiid Dagaal ayaa Goordhow Xoog kula wareegay Koontaroolkii Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Maleeshiyaadkaan ayaana kala cayriyay Ciidamo Boolis ah oo ku suganaa kontaroolka Magaalada.

Maleeshiyaadka ayaana joojiyay Isku socodkii Gadiidka ukala Gooshi jiray Puntland iyo Galmudug Koontaroolkaan ayaana ahaa Koontroolka Ugu wayn ee Lacagta Canshuurta Galmudug ay kasoo Xarooto.

Maleeshiyaadka La wareegay Koontaroolkaa Magaalada Gaalkacyo ayaa Kasoo jeeda Beesha Sacad Gaar ahaan Cabdalle Kuwaas oo  la sheegay inay Tabasho ka qabaan Maamulka Galmudug ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Galmudug ayaanan Wali ka Hadal arinkaan oo Goordhow Dhacay Mana ahan Markii Ugu horaysay oo Maleshiyaad ka tirsan Beesha Sacay ay la wareegaan Kontroolkaan.

Previous articleMuran Hor Leh Oo Soo Kala Dhex Galay Israel Iyo Xamaas Iyo Cabsida Dagaal Cusub
Next articleKenya iyo Soomaaliya oo Maantay kala Saxiixanaaya Heshiis Soomaali Badan Farax Galin doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here