Home Wararka Maanta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka ay wadaagaan Dalalka Rwanda iyo Congo

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka ay wadaagaan Dalalka Rwanda iyo Congo

0

Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan dalalka Congo iyo Rwanda ayaa sheegaya in kooxo burcad hubeesan ay halkaasi ku dileen labo nin oo Soomaali ah, halka ay gubeen gaari xamuul ay wateen ragaasi.

Labada nin ee la dilay iyo gaariga weyn ay wateen ayaa la sheegay in uu ka tagay dalka Kenya uu badeeco ka qaaday, waxaana gaarigan iyo ragii la socday weerar gaadmo ah ku qaaday burcada hubeesan.

Goobta dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray milkiilihii lahaa gaariga la gubay iyo dad kale oo Soomaali ah, mana la shaacin in ciidamada amniga aaga dilku ka dhacay in gacanta kusoo dhigeen ragii falka dilka iyo gubitaanka gaariga ka dambeeyay.

Soomaali badan oo ku shaqeesta gaadiidka xamuulka qaada iyo booyadaha shidaalka ayaa isaga kala goosha wadamada Afrika qaarkood, waxaana Soomaalidaasi xilliyada qaar dhibaato kala kulmaan dalalka ay ku safraan burcad iyo dad kale oo ku sugan.

Previous articleShucayb Cabdullaahi iyo Saadaq Cabdi Jabaar oo horay Dilal badan gaystay oo saakay la toogtay
Next articleDuuliye la habaabay diyaarad Ruushku leeyahay oo ka dagey Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here