Home Wararka Maanta Shucayb Cabdullaahi iyo Saadaq Cabdi Jabaar oo horay Dilal badan gaystay oo...

Shucayb Cabdullaahi iyo Saadaq Cabdi Jabaar oo horay Dilal badan gaystay oo saakay la toogtay

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo dhallinyaro ah oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, ragan ayaana horey dilal kala duwan uga geestay Muqdisho.

Fagaaraha Iskool Buluusiya ayaana saakay lagu toogtay Shucayb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, labadan ninkan ayaana sannado kahor maxkamadda ciidamada xukun dil ah ugu riday.

Ragan la dilay ayaa horey wareysiyo looga qaaday ku qirtay in Al Shabaab katirsanaayeen muddo sannado ah, waxa ayna sidoo kale qirteen in gacantooda ku dileen askar katirsan ciidanka dowladda iyo dad kale.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaana labadan nin kusoo qabtay howlgal iyaga oo xilligaasi gacanta kula jiray fal dambiyeed, waxa ayna sheegeen in Al Shabaab u qaabilsanaayeen fulinta dilalka qorsheesan.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa bilowday fulinta xukunada dilka ah ee horey loogu riday askar katirsan ciidanka dowladda iyo xubno katirsan Al Shabaab, waxaana dowladii Farmaajo aad u yaraa fulinta xukunada dil ah ee la rido.

Previous articleWeerarkii Alshabaab ku Qaadeen Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo oo lasoo Gabgabeeyey
Next articleMuwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka ay wadaagaan Dalalka Rwanda iyo Congo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here