Home Wararka Maanta Magaalada Mareykanka ku taalla ee marka aad tagto dareemeyso inaad joogto dal...

Magaalada Mareykanka ku taalla ee marka aad tagto dareemeyso inaad joogto dal Muslim ah

0
DETROIT - NOVEMBER 4: The Islamic Center of America mosque is seen in the evening when Muslims across America gather together to celebrate Eid al-Fitr November 3, 2005 in Dearborn, Michigan. The feast marks the end of Ramadan, a thirty-day period of fasting during daylight hours for muslims. (Photo by Bill Pugliano/Getty Images)

Magaalada Detroit, Dearborn, waa magaalo ay si weyn ugu badan yihiin dadka ajaanibta ee carabta ah kuwaas oo si weyna ugu faafiyey magaaladan dhaqanka iyo cunooyinka laga isticmaalo Bariga Dhexe.

Dhaqanka magaaladan ayaan ka jiran meelo badan oo Maraykanka ah, waxaa fursad gaar ah la siiyaa dadka socotada ama safarka ah si ay wax u cunaan iyagoo helaya cunooyinka carbeed.

Goob lagu gado macmacaanka Shatila, ee Dearborn, Michigan, waxaa galab Axad dad si saf ah u taagan ayaa isugu soo baxay hareeraha dukaamada oo danaynaya macmanaanaka Baklava, nooc macmacaanka reer Masar caanka ku yihiin ka mid ah iyo nooc kale oo u eg macmacaanka kuwa laga helo Lubnaan.

Dadka ayaa isugu soo baxay, markii ay maqleen inay helayaan fursad lagu bixinayo macmacaanadaas, dadka deegaanka ayaa si xamaasad leh igula hadlayey Af carabi iyo Ingiriis.

Mid ka mida dadka ayaa si kaftan ah saaxiibkiis ku yiri “Tani waa qorshayaashayda in aan cuno cunto caafimaad leh!

Magaaladan xaafadaha qaar waxaa ku yaala tobanaan maqaayado, ganacsiyo, suuqyo, dukaamo hilib oo xalaal ah, goobo timo lagu qurxiyo, iyo masaajido.

Sidoo kale magaaladan Detroit, waxaa muddo dheer loo yaqaanay xarunta wax soo saarka baabuurka ee shirkada Ford Motor Company, hadda waa mid ka mida halka carabtu ugu badan tahay Ameerika.

Sannadkii 2023, Dearborn waxay noqotay magaaladii ugu horreysay ee Carabta ugu badan tahay Maraykanka. Magaalada oo ay ku nool yihiin 110,000 waxay hoy u tahay labadaba Matxafka Qaranka Mareykanka Carabta iyo masaajidka ugu weyn Waqooyiga Ameerika.

Waa mid ka mida ah magaalooyinka Maraykanka ee duqa magaalo ka yahay qof muslim iyo carab ah, waana magaaladii ugu horreysay ee Maraykanka shaqaalaha loo fasaxo maalmaha ciida iyagoo lacagahooda la siinayo.

Sidaas oo kale magaaladan ayaa ka mid ah magaalooyinka fara ku tiriska ah ee Maraykanka la oggol yahay in cod baahiya kor looga dhawaaqo xilliga aadaanka.

Mid ka mida dadka deegaanka ayaa yiri isagoo ka hadlayey magaaladan “Waa dhulkii hooyo oo haddana ka fog dhulka hooyo”

Sida laga soo xigtay Jack Tate, khabiirka Matxafka Taariikhiga ah ee Dearborn, magaaladu waxay ahayd wax yar oo u badan dhul-beereed aad u yar ilaa horraantii 1900-yadii.

Dhammaanteed waxay is beddeleen 1920-meeyadii markii ganacsade Herny Ford, oo ah ganacsade uu halkaas ka hirgaliyey shirkada Ford oo ku taal Highland Park oo 10 mayl u jirta Dearborn.

“Waxay ahayeen bulsho yar oo aamusan wakhtigaas,markii la furay warshadda cusub, dadku waxay ka imanayeen dhammaan Maraykanka, adduunka oo dhan si ay ugu shaqeeyaan Ford. Taasi waxay ahayd bilawga weyn ee dadka Bariga Dhexe ee halkan.” ayuu yiri Tate

Markii shirkada Ford ay bilowday samaynta gawaarida caankaa ee Model T 1908dii, waxay u baahatay dad ka shaqeeya shirkada, iyadoo halkaas ay jirtay siyaasaddii shaqaalaysiinta ee cuniyarada lahayd.

Si gaara halkaas isha ugu hayey soogalootiga Bariga Dhexe ee ka imaanaya dalalka Lubnaan,Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo dhulka Falastiin kuwaas oo si xoog leh u galayey Detroit iyagoo raadinaya shaqooyin mushaarka badanee degmadaasi.

Horraantii 1920-aadkii, inta badan shaqaalihii Ford Model T ee shirkadu waxay ahaayeen Carab. Markii Ford u soo guuray Dearborn, qaar badan oo ka mid ah shaqaalihiisa ayaa raacay isaga.

Ma aha oo kaliya in tani ay magaalada ka beddeshay tuulo yar oo ay ku nool yihiin 2,400 oo qof oo noqotay xarunta ugu weyn ee warshadaha adduunka, laakiin sidoo kale waxay waddada u xaartay in Dearborn ay noqoto guriga ugu badan ee Carabta Maraykanka.

Marka loo eego tirakoobka 2020, 54.5 boqolkiiba dadweynaha magaalada oo ku dhow 110,000 oo qof ayaa ka soo jeeda Bariga Dhexe ama Waqooyiga Afrika.

Sannadkii 2015-kii, Amanda waxay ahayd haweenaydii ugu horreysay ee xijaaban oo Muslim ah oo ka qayb-gasha barnaamijka TV-ga MasterChef USA, Iyada oo ka jawaabaysa dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa, waxay aasaastay isu imaatin loogu magac daray Chefs for Palestine, taxane ah oo ay ku jiraan qaar ka mid ah khubarada ugu sarreeya gobolka oo isu imanaya si ay u ururiyaan lacag si ay u taageeraan Sanduuqa Gargaarka Carruurta ee Falastiin iyo Ururka Caafimaadka Falastiiniyiinta Maraykanka.

Ereyo ay ka mid yihiin “Gacaliyewaa mid ka mida haddalada soo dhaweynta badan, naxariista iyo deeqsinimada leh ee dadkan” ayey tiri Amanda.

Maanta, joogitaanka Carbeed-Maraykanka xooggan ee magaalada Dearborn, ayaa muujinaya sida dhaqanka carbeed iyo cunooyinka dhaqanka ugu balaaran yihiin magaaladan, goobaha qaxwaha lagu cabo, maqaaxiyaha ayaa u ag sida Bariga Dhexe.

Sida maqaaxida Al Teyb, waa mel caan ku ah adeega cunooyinka quraacda ee Lubnaan sida digirta fawa ee lagu kariyey chickpeas, iyo sidoo kale saxan Xumus ah o oleh hilibka lo’da.

Sanadkii 2005-tii, Xarunta Islaamiga ah ee Maraykanku waxay magaalada ka hirgalisay masaajid cabirkiisu yahay 120,000 oo cag laba jibaaran ah oo ku yaalla waddada Ford, oo laba mayl u jirta xarunta shirkadda baabuurta ee Ford.

Marka laga soo tago inuu yahay masaajidka ugu weyn Waqooyiga Ameerika, sidoo kale waa masaajidka ugu da’da weyn ee Shiicada ee Maraykanka, oo leh mug qaad 1,000 qof. Waxa kale oo ay soo dhawaynaysaa dadka diimaha kala duwan leh, dalxiisayaashuna waxa ay ku wareegi karaan ardaayadiisa oo ay ku majeeran karaan daaraha dahabka ah ee masaajidka, kuwaas oo dhererkoodu yahay 110 mitir, iyo qurxin xarfaha Islaamka ee gudaha.

Cibadadu waa qayb nolosha lagama maarmaanka u ah dad badan oo Carab-Maraykan ah oo deggan Dearborn.

Previous articleCiidamada Amaanka Oo Baadi Goob Xoogan ugu jira Ragii Dilay Aadan Biid
Next articleBooliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay Cabdi Oog Maxamed oo xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here