Home Ciyaaraha Maanta NIN SOMALI AH AYAA NIN KALOO SOMALI AH DIL UGU GEYSTAY DALKA...

NIN SOMALI AH AYAA NIN KALOO SOMALI AH DIL UGU GEYSTAY DALKA JARMALKA.

0

Magaalada Dresden ee dalka Jarmalka waxaa maanta oo Sabti ah gelinkii hore lagu dilay nin ka mid ah Soomaalida dalkaas ku dhaqan.

Maxamed Cabdi Faarax (Abwaanka) ayaa waxaa dil bareer loogu geystay gudaha tareen ka shaqeeya magaaladaas xili uu ku sii jeeday hoygiisa.

Ninka dilka geystay oo magaciisa lagu soo koobay Cawaale ayaa mindi qoorta ka geliyay marxuumka oo isla goobtaas ku qur baxay sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Booliska magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen ninka dilka geystay, ayna wadaan baaritaano la xiriira dilkan.

Weli lama oga sababta ka dambeysay dilka uu ninkan Soomaaliga ah u geystay Soomaaliga kale, waxaana arintan si weyn u hadal haya Soomaalida ku dhaqan dalka Jarmalka.

 

Previous articleBREAKING NEWS: Wasiirkii Maalyada oo laga Qaaday Xilkii Wasaradaas
Next articleAl-shabaab oo laga xoreeyay degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here