Home Wararka Maanta Ninkan oo waddada marayay ayaa dukaanka ku soo leexday ka dibna waxa...

Ninkan oo waddada marayay ayaa dukaanka ku soo leexday ka dibna waxa uu abbaaray labada haween ee aan xijaabnayn

0

Labo haween ah ayaa lagu xiray dalka Iran, kadib markii lagu weeraray caanaha Yoghurt, iyaga oo u muuqday kuwa aan timahooda ku qaawiyay meel fagaare ah.

Muuqaalkan oo aad u faafay, ayaa waxaa u muujinaya laba dumar ah oo macaamiisha ka mid ah, oo nin Meesha taagnaa uu bilaabay inuu la hadlo.

Kadib waxa uu wax u muuqday baaldi ka soo qaaday caano fadhi ah kuwaas oo uu si caro leh madaxa uga shubay.

Garsoorka dalka Iran ayaa sheegay in labadan haween loo xiray tintooda oo qaawan darteed, taasoo sharci darro ka ah dalka Iran.

Ninkan ayaa sidoo kale loo xiray inuu khalkhal gelinayo ammaanka shacabka, ayay raaciyay garsooraha.

Xariga ayaa daba socda mudaaharaadyo bilo ah ka socday dalkaasi oo lagu dalbanayay in la joojiyo xirashada qasabka ah ee xijaabka.

Muuqaalka ayaa muujinaya haweenka dukaanka ku jira oo sugaya in uu u adeego xubin ka mid ah shaqaalaha. Nin u muuqda inuu meesha marayo ayaa soo galay waxa uuna bilaabay inuu haweenka la hadlo. Wax yar ka dibna waxa uu bilaabay inuu caano fadhi ah ku weeraro.

Ninka weerarka geystay ayaa waxaa ka dib dukaanka ka soo saaray dukaanlihii.Wakaalladda Wararka ee Mizan ee Garsoorka dalka ayaa sheegtay in amarro lagu soo xirayo la soo saaray 3-daasi qofna hadda xiray.

Waxay intaa ku dartay in “ogaysiisyada lagama maarmaanka ah” la siiyay mulkiilaha dukaanka si loo hubiyo u hoggaansanaanta sharciga.

In aan xijaabka lagu xirin meel fagaare ah ayaa sharci darro ku ah dumarka Iran, si kastaba ha ahaatee magaalooyinka waaweyn, qaar badan oo ka mid ah ayaa wareegaya xijaab la’aan inkasta oo sharcigaas la soo saaray.

Carada iyo niyad-jabka sharcigaas ka dhalatay ayaa horseedday inay qaar ka mid ah bulshada gaashaanka u daruuraan sharciga.

Mudaaharaadyada ayaa ku fiday guud ahaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah bishii Sebtembar ka dib dhimashadii Mahsa Amini, oo ahayd haweeney 22 jir ah oo ay xireen booliska akhlaaqda ee Tehran ka dib markii lagu eedeeyay “inaysan si ah u xiran xijaabka”.

Mudaaharaadyadu way sii bateen, kumanaan qof ayaa la xiray, afar mudaaharaadayaal ah ayaa la toogtay tan iyo bishii December.

Mid ka mid ah mudanayaasha mayalka adag ee Iran, Xuseen Cali Haji Deligani, ayaa soo saaray digniin ku socota garsoorka inay la yimaadaan tillaabooyin lagu joojinayo ku xadgudubka xeerarka muddo 48 saacadood ee soo socda.

Sabtidiina, madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi waxa uu ku celiyay in haweenka Iran ay xidhaan xijaabka taas oo ah “baahi diineed”.

“Xijaabku waa arrin sharci ah, u hoggaansanaantiisana waa waajib,” ayuu ku yiri hadallo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP

Previous articleWiilka uu dhalay Musaveni oo shaaciyey hadal dad badan ka yaabiyey
Next articleCiidamada Dowlada iyo Kuwa Macawislayda oo howlgal kusoo furtay shacab u afduubnaa Alsdhabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here