Home Wararka Maanta Wiilka uu dhalay Musaveni oo shaaciyey hadal dad badan ka yaabiyey

Wiilka uu dhalay Musaveni oo shaaciyey hadal dad badan ka yaabiyey

0

General Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay iney Ruushka u diri doonaan Ciidamo difaaca caasimadooda Moscow.

Wuxuu intaasi raaciyay haddii Wadamada Imperialist-ga ah oo uu reer Galbeedka ula jeedo ay sii wadaan hanjabaadooda ku aadan Ruushka in Uganda ay Putin u diri doonto Ciidamo difaaca caasimada Moosko.

“Igu yeedh ‘Putinist’ haddaad rabto, laakiin annagu, Ugaandha waxay u diri doontaa askar difaaca Moscow haddii ay weligeed u hanjabto Imperyaaliyada” ayuu yiri Jeneraalkan oo hadalkiisa ku baahiyey boggiisa Twitter.

“Reer Galbeedku waxa ay waqtigooda ku luminayaan dacaayadaha aan waxtarka lahayn ee ay ku taageerayaan Ukraine,” ayuu hadalkiisa ku daray Jeneraalka afka dheer, oo si weyn u taageersan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Muhozi ayaa looga bartay inuu twitter-ka soo dhigo qoraalo marar badan abuuray xiisado dalal badan ku abuuray caro badan, dad badana ka yaabiyey.
Previous articleMaxaa kala qabsaday Al-Shabaab iyo Aabe ay isaga iyo toddoba carruurtiisa ah ciidanka Soomaaliya ku wada jiraan?
Next articleNinkan oo waddada marayay ayaa dukaanka ku soo leexday ka dibna waxa uu abbaaray labada haween ee aan xijaabnayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here