Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo gaaray Meel ku dhow Ceelbuur Xili Ciidmada Dowladu Kasoo...

Qoor Qoor oo gaaray Meel ku dhow Ceelbuur Xili Ciidmada Dowladu Kasoo Baxeen

0

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu la socdo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa gaarey deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo dhawaan ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga deegaanka ay ka xoreeyeen Kooxda Alshabaab.

Goobaha ay tageen Madaxwayne QoorQoor iyo Wasiirka Difaaca ayaa ah goobo intooda badan ciidamadu ay ku gaareen howlgalka dhammaytirka wajiga koowaad ee Galmudug lagu xoreynayo kuwaa oo guulo isdaba-joog ah laga gaarayo maalinba maalinta xigta.

Qoor Qoor ayaa Daraad ka Baxay Dhuusamareeb asagoo Safar Dhulka ah ku Maray Guriceel Halka uu Haatan ku Suganyahay Qoor Qoor ayaa Waxaa horay uqabsaday Ciidamada Beesha Cayr kuwaas oo Wali kusugan Goobo ay Alshabaab ka Saareen.

Tagista Qoor Qoor ayaa ah in ciidamadaan iyo Ciidamo asaga lasocdo ay Horay usii Dhaqaqaan Degmada Ceelbuur oo Ay kasoo baxeen Ciidamadii  Dowlada ee jimcihiii Qabsaday kasoo Bixitaanka Ciidamadaas ayaa waxaa keenay Kadib Markii Alshabab Dib u Qabsadeen Degmada Wabxo.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Shiikh aya la Filayaa inuu kasoo Guuro Dhuusamareeb una soodago Maxaas Hasa ahaatee Qoor Qoor iyo mahad Salaad ayaa Ku Dadalaaya inay Madaxweyne Xasan Shiikh ku Qanciyaan inuu Dhuusmareeb sii joogo.

Qoor Qoor iyo Mahad salaad ayaana Balan Qaaday inay Dhaqaajin Doonaan Ciidamada Beelaha iyo Kuwa Galmudug si Alshabaab looga Saaro Galmudug.

Previous articleRaysulwasaare Xamsa oo Maantay u anbabaxay Degmo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray
Next articleDabaq Sideed biyaano ahaa ku yaalay Bakaaraha oo Soo Dumay iyo Dad isku Qoys ahaa oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here