Home Wararka Somaliya Galmudug Raysulwasaare Xamsa oo Maantay u anbabaxay Degmo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray

Raysulwasaare Xamsa oo Maantay u anbabaxay Degmo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar uga baxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku wajahan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ra’iisul wasaaraha iyo waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaare Xamza ayaa haatan si weyn looga dareemayaa degmada Mahadaay, ayada oo si weyn loo adkeeyay amniga degmadaasi.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howlagllada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegayo in la xoojiyo abaabulka ka socda HirShabelle.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa booqan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka.

Wuxuu sidoo kale ra’iisul wasaaraha kormeeri doono guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed, maadaama ay marar badan ay fatahaado ku dhufteen halkaasi.

Xamza ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu uga soo qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

 

Previous articleDilka Taliyihii Hay’adda NISA ee Degmada Doolow iyo Sababta Xaaskiisu u Dishay?
Next articleQoor Qoor oo gaaray Meel ku dhow Ceelbuur Xili Ciidmada Dowladu Kasoo Baxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here